Hargeysa(ANN) Askarta Ilaalada Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa garaacay Agaasimaha Gaadiidka madaxtooyada Somaliland Abashir Saxardiid Xaashi waxyar ka hor intii aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu ka dhoofin maanta madaarka caalamiga ah ee
magaalada Hargeysa.Dada goob jooga ah ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay in falkaa lagu garaacay agaasimaha gaadiidka Madaxtooyadu ka dhacay baraxada hore ee madaarka oo gaadiidka la dhigo, iyadoo xiligaa ay madaarka ka dhoofayeen wefdiga madaxweynaha oo lasii sagootiyay. Lama garanayo sababta keentay inay Ilaalada Taliyaha ciidanka qaranka Gen. Maxamed Xasan C/llaahi (Jidhif) , garaacaan Agaasimiha gaadiidka Madaxtooyada, balse xogo iyo tibaaxo la xidhiidha falkaa ayaa u sheegay Araweelonews inuu Mr. Abshir doonayay inuu magaalada kusoo laabto. Kahor inta aanay diyaarada wefdigu ka kicin madaarka, wuxuuna doonayay inuu usoo qaado Wasiirka Arrimaha gudaha oo ilaabay Baasaboorkiisa, isla markaana Agaasmiha gaadiidka madaxtooyada Abshir Saxardiid isku deyay inuu kaxaysto gaadhiga Taliyaha ciidanka qaranka oo markaa taagnaa debeda, maadaama gaadiidkii kale ee masuuliyiinta dawladu ku jiereen gudaha madaarka.
Hase yeeshee sida ay sheegeen tibaaxahaa la xidhiidha dhacdadaa iyo qaar ka mid ah dadkii goobjooga ahaa, ilaalada Gen. Jidhif, ayaa diiday inuu Agaasimaha gaadiidka ee Madaxtooyadu kaxaysto gaadhiga taliyaha, taas oo la yaab ku noqotay, kuwaas oo garaacay markii ay is afdhaafeen Agaasimaha. Waxaana markii danbe xaalada dejiyay masuuliyiinta xukumuudda qaarkood oo goobta yimi. Iyadoo ay agaasimaha soo gaadheen nabaro iyo jugo kasoo gaadhay garaacista ay ku sameeyeen askarta ilaalada Taliyaha Ciidanka Qaranka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com