Gen-DavidLondon(Araweelo News Network)Fadeexado siyaasadeed iyo canbaarayn dhinaca xuquuqda Aadamaha iyo Xorital qawlka ayaa soo waajahay Dawlada Uganda ee Madaxweyne  Yoweri  Museveni. Kadib markii

Taliyihii Sirdoonka Uganda, General David Sejusa  ka goostay dalka, isagoo  ubaxsaday dhinaca dallka Britain.
Gen. David  oo ku sugan  dalka Britain ayaa waraysi uu siiyay  Wargayska Daily Monitor  oo kasoo baxa Uganda wuxuu kaga waramay ujeedada ka danbaysa inuu dalka ka baxsado iyo waxa ku kalifay, taas oo galaafatay xarunta wargeyskaa  oo xukuumadda Uganda albaabada u xidhay, iyadoo sabab looga dhigay xadhiga xarunta wargeyska inuu faafiyay sirtii qaranka.

General David Sejusa ayaa waraysiga uu siisay Wargayska  Daily Monitor ka hor intii aan la xidhin xaruntiisa ku sheegay in  Madaxweyne Yoweri Museveni uu Wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba Jaamacaddaha Milatariga Maraykanka iyo Britain  ugu diray waxbarasho deg deg ah,  kaas oo sida uu sheegay loo carbiyay inuu la wareego talada dalka, isla markaana lagu  Amar lagu siiyey in uu khaarajiyo qaar kamida Saraakiisha ugu saraysa  dalka Uganda si ay suurta gal u noqoto in uu talada Wadanka si fudud ugula wareego.

Taliyaha Sirdoonka Uganda wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Aniga, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha ugu sareeya dowladda Uganda waxaan khatar ugu jirnay in nala khaarajiyo, maxaa yeelay waxaa la Arkay in aan kasoo horjeedno Mr.Kainerugaba oo ah Wiilka Yoweri Museveni oo ku guulaystay in uu Aabbihiis kala wareego xilka Madaxweynanimada Uganda”.

Warbinta uu gudbiyay Taliyihii Sirdoonka Uganda oo ku sugan London, isla markaana ay dawlada Britain damaanad qaaday amaankiisa ayaa dareeno shaki ah ka dhex abuurtay dalka Uganda, taas oo shaki ku abuurtay jiritaanka wararkaa qaar badan oo ka mid ah madaxda dalkaa iyo saraakiisha dhinaca Milateriga.

Gen. David Sejusa ayaa Madaxweyne Museveni lasoo shaqeeyey  tan iyo Sanadadihii 1986- 2013, taas oo fadeexad siyaasadeed ku ah maamulka dawlada Uganda ee uu hogaamiyo Madaxweyne  Museveni, iyadoo dhinaca kale talaabada dawlada Uganda ka qaaday wargeyska Daily Monitor oo  daabacay warbixintaa ay sababtay in ay Hay;addaha xuquuqda aadamaha iyo kuwa xoriyada saxaagadu dusha kaga tureen canbaarayn kulul.

Uganda waxay ka mid tahay wadamada Ciidamada AMISOM eek u sugan Somalia ay tirade ugu badan ka jopogto, iyadoo lagu qiyaaso 8, 000- 9,000 inay ka joogaan Somalia, balse si cad looma ogga samaaynta ay ciidamadda Uganda , ama saraakiisha sare ee dalkaa ku yeelan karto arrintaasi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *