Drone1Buulamadheedh(Araweelo News Network) Diyaarad nooca loo yaqaan Drones-ka ayaa maanta  kusoo dhacday Deegaanka Buulamadheedh ee Koonfur Galbeed Somalia, taas oo aan la ogayn cida soo riday iyo sababta ay usoo dhacday midna.

 

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Idaacada  VOA u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ururka al Shabab kamid ah oo deegaanka soo gaadhay  maalmihii ugu dambeyey, kuwaas  suuragalna ay tahay in iyaga ay soo rideen.

Hase ahaate al Shabaab ayaan illaa iyo imika si rasmi ah u sheegin inay iyagu soo rideen diyaaraddaa iyo in kale. Sidoo kale ma jiro war sugan oo ku saabsan cidda iska leh diyaaraddan, balse warbaahinta taageerta Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay in burburka Diyaaraddaa la geeyay Degmada Buulamadheedh, iyadoo gantaalaha ku rakibnaa Diyaaradda oo aan qarxin ay ka furteen Al-shabaab.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan loo adeegsadaa la dagaalanka argagxisada, kuwaas oo hawlgalo ka fuliya Soomaaliya iyo dhowr waddan oo ay ciidamada Maraykanku ka wadaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisa, iyadoo  hawlgalladaa  loo adeegsado  Diyaaradaha Drones-ka.

Degmada Buullo Madheedh oo ku taal Koonfur galbeed Somalia  ayaa ka mid ah goobaha ay ku suganyihin kooxda al Shabaab, halkaas Bishii January ay ciidamada Faransiisku isku dayeen inay xoog ku soo furtaan sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo ay al Shabaab ku haysteen, balse weerarkaa ayaa ku dhamaaday guuldaro. Kadib markii Kamaandowsta Faransiiska laga dilay laba askari, qaar kalena laga dhaawacay,  iyadoo Al-shabaab markaa ka dib sheegtay inay dileen sarkaalka ay afduubka u haysteen ee faransiiska ahaa, waxaana la rumaysan yahay inay deegaankaa ku sugan yihiin qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *