Malaysia (ANN)- Aradayada waxbarashada u joogta xarunta Dalkaa Malaysia ee Kuwalampur ayaa sameeyay munaasibad xus ah oo loogu tala galay
konton guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadat mustacmaradii boqortooyadii Britain 26 Juun 1960-kii oo ku beegan maalinta loo qoondeeyay inay shacbiga Somaliland u dareeraan codbixinta doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.
Qoraal kooban oo ay Ururka Aradaydu usoo direen Shebekada wararka ee Araweelo News Network oo ku saxeexnaa C/risaaq Khadar Habey oo ka mid ah xubnaha Ururka , isla markaana ay kaga warbixinayaan sida ay xafladaasi u dhacday wuxuu u qornaa sidan;-
“ Xaflad lagu xusayey sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegtay markii guumaystihii ka kacay dhulkeena hooyo 26-june-1960kii ayaa heebnimadii axadii 14-june lagu qabatay wadanka malaysia gaar ahaan caasimada Kuwalampur. Xuska munaasibadaa oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Somaliland ee wadanka Malaysia oo loo soo gaabiyo [SSOM], taas oo tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo si weyn loo soo agaasimay ee munaasibada 26 june loo qabto ee kadhacda wadanaka Malaysia .
furitaankii aayado quraana ka dib waxa hadal kooban oo ah kelmedo dhiiri galina u jeediyay Aradayda Mowliid Maxamed Samaale. Sidoo kale Maxamed C/laahi Xasan oo isna ka hadlay halkaa ayaa ka sheekeeyay ahmiyada waxbarashadu leedahay .
Gudoomiyaha Ardayda Somaliland ee Malaysia C/risaaq Khadar Haybe oo isna ka hadlay sidii ardayda somaliland ee malaysia ay iskugu duubnaan lahayd iyo ururkan ardayda cusub ee xilka la wareegay iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay Ururadii hore u soo maray Aradayda wadanka Malaysia wax ka barata. Gudoomiyaha Ururkaa ayaa ugu danbayntii shahaado sharaf gudoonsiiyey laba xubnood oo ka mida inamada ugu firfiroona ururka howl wayna ka qaatay sidii ay u qabsoomi lahayd xafladani , kuwaas oo kala ah Mustafe Xasan C/laahi (Camii) oo ah Afhayeenka Ururka iyo Mukhtaar Ciise Obsiiye oo ka mid ah xubnaha sare ee hogaanka Ururka. Sidoo kale waxaa halkaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Maxamed Cali Axmed iyo Liibaan Aadan Cabdi, kuwaas qayb laxaad leh ka qaatay qabaanqaabada xafladaas waxaa iyana xafladaa lagu maamuusay oo shahaado sharaf lagu siiyey innanta ugu da’da yar haweenka somaliland ee dalka malaysia, innantaas oo ku mutaysatay ka qayb galka xaflad kasta oo ardayda reer somalilnad dhigto, inantaas oo ah Muumina Cali Ciise.
gabagabadii waxaaa ururka ardaydu u mahad naqayaan dhamaan marti sharaftii kala soo qayb gashay dabaaldegii xaflada 26 june. waxanay sidoo kale u mahadnaqayan dhalintii waxqabadka lixaadka weyn ka geysatay. “
C/risaaq Khadar Habey
060176813657
Kuwalampur Malaysia
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com