Hargeysa (Araweelo News Network) Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilo culus oo kala duwan tunka u saaray Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo

 

uu ku eedeeyey inay ku dhex milmeen xukuumadda taladda haysa oo ay ahayd inay la xisaabtamaan, isagoo sidoo kale ka hadlay waxa ka jira khilaafka la sheegay inuu ka dhex taagan yahay xisbiga UCID.

Md. Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya shalay, waxa uu in mudanayaasha Golaha Wakiilladu u muuqaan hay’ad ka mid ah Golaha wasiirrada ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay in go’aanka Shirkadii shidaalka baadhaysay ee Genel Energy dalka kaga baxday uu yahay mid dhaawac ku ah Somaliland, taasoo uu tilmaamay in wakiilladu qayb weyn ku leeyihiin.

“Golaha Wakiilladu waa hay’adda ugu mudan ee dastuuriyan qaban karta xukuumadda, waxayna leeyihiin awoodo dastuuri ah oo ay xukuumada kula xisaabtami karaan, kuna daba geli karaan, markaa waxaan odhan karaa dalku waxa uu ka dhintay dhinicii Golaha Wakiillada, awoodoodii oo dhana may muujin, waxaanad runtii moodaa hay’ad kale oo xukuumada ama Golaha Wasiirrada ka tirsan, sababtoo ah wax kasta oo dawladdu doonayso si dhibyar bay u marsataa Golaha Wakiillada, waxaanan xasuustaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay mooshin ama xeer qudha oo xukuumaddu wataday wakiilladu may horjoogsan, waxayna noqdeen golihii duuduub-ku-ansixinta. Waxa kale oo aan xasuustaa in mudanayaasha wakiilladu dood adag ka yeelan jireen marka dawladihii hore ee Rayaale iyo marxuum Cigaal ay golaha u soo gudbiyaan miisaaniyad-sannadeedka, laakiin miisaaniyaddii u dambaysay ee lagu shaqeeyo sannadkan 2013, qadar daqiiqado ah ayaa lagu ansixiyey, weliba waxay is weydiiyeen ma duuduub ayeynu ku ansixinaa, mise dood baynu ka yeelanaa?, markii dambena duuduub ayaa lagu ansixiyey,” ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID tilmaamay in Golaha Wakiilladu noqdeen qaar waraabo-u-taag ah oo ku fashilmay shaqadii ummaddu u dooratay, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Golihii Wakiillada Somaliland waxay noqdeen waraabo-u-taag, ummadduna way ku fashilantay, sababtoo ah waxa la doonayaa inay xaaladaha dalka ka jira la socdaan oo mar walba la xisaabtamaan xukuumada iyo golaha wasiirrada, welina ma hayo mudanayaasha wakiillada oo diiday wax xukuumaddu u soo gudbisay ama arrin taabanaysa ummadda Somaliland. Tusaale, go’aanka Shirkadda Genel Energy ee shidaalka baadhaysay kaga baxday Somaliland waa mid dhaawac weyn ku ah dalka, mar qudha ayey yidhaahdeen dalka nabadgelyo xumo ayaannu uga baxnay, arrintaasina waa wax dhaawac weyn oo dhabar-jab ah ku noqon kara qaranka Somaliland, taasna Golaha Wakiilladu qayb ayey ku leeyihiin, sababtoo ah waxay ahayd in mudanayaasha wakiilladu xukuumada ka dalbadaan inay horkeento heshiiskii shirkaddaas lala galay markii ay dalka timi oo laga doodo, kadibna haddii ay dan ugu jirto ummadda la ansixiyo, haddii kalena la joojiyo. Laakiin hadda waxaad moodaa in xukuumada iyo shirkadda Genel Energy ay markoodii hore suuq madaw ku heshiiyeen, imikana suuqii madoobaa innagu qarxay, lamina garanayo oo Golaha Wakiillada ee bulshadda matalay ma garanayaan wax shirkadaasi dalka ka baadhaysay iyo wax lagula heshiiyeyba. Arrintaasina waa mid dhaawac ku ah dhaqaalihii Somaliland iyo hiigsigii ummadda ee ahaa in shidaal loo soo saaro oo hadhaw cid waliba waxay odhan doontaa tagi mayno Somaliland ee shirkaddii Genel Energy-ba waa tii sababo dhinac ammaanka ah uga baxday.”

Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in xeerar badan oo dalka faa’iido u lihi qabyo yihiin, ilaa haddana aanay Golaha Wakiilladu waxba ka qaban, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxyaabaha qabyada ah ee dalka faa’iidada u leh waxa ka mid ah xeerkii maalgashiga (Investment Low) iyo xeerkii shidaalka (Petrolium Low), xeerkii Sirdoonkana markiiba Golaha Wakiilladu duuduub ayey ku ansixiyeen, arrintaasina waa waxyaabo muujinaya fadhiidnimada wakiillada oo ka mid noqday golihii xukuumada. Waxyaabaha kale ee loo baahan yahay inay wax ka qabtaan waxa ka mid ah cashuurahan markasta ummadda lagu kordhinayo, cashuurahaasna kharash badan ayaa soo galaya oo culays ku ah dadka shacabka ah. Waxaanan ummadda Somaliland leeyahay waa inay u fiirsadaan Golaha Wakiillada oo ah hay’addii dheeli-tirka u samaynaysay xukuumada.

Tusaale hadaan soo qaato, Shirkaddii TOTAL ee la eryey, shidaalka ay keeni jirtay calaa foosto waxa u saarnaan jiray $11 doollar, taasoo loo saaray maalgashigii ay dalka ku sameeyeen si ay ula soo noqoto wixii ka galay, imika shirkaddii TOTAL meesha way ka baxday, $11 doollar-na weli way socdaan, cid qaadatana la garan maayo. Noloshii way ku sii adkaanaysaa dadka, cashuurihii baa dusha laga saaray, cashuurahaasina waa culays ku biiraya ummaddii, iyadoo aan dadkiina wax adeeg ah dawladdu ugu qabanayn oo waa taas la arkay dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo biyo la’aantu ka mid yihiin. Waddo xumo ayaa dalkii ka jirta oo maalin walba waxaynu aragtaa waddo la dhagax-dhigayo, laakiin mid la furayo oo la dhameeyey lama arag, waxaanan soo jeedin lahaa in aan waddo dambe la dhagax-dhigin ilaa la dhamaynayo kuwii hore uu ummadda la tusayo.”

“Waxaad moodaa in xukuumaddu kor-u-kaca dhaqaalaha u fahantay miisaaniyadda oo la kordhiyo oo kolba tiro lagu daro, si taas loo helana kolba la kordhiyo cashuur dheeraad ah oo dadkii culays dusha laga saaro, markaa waxaan leeyahay waa in Golaha Wakiilladu shaqadiisa qabsado oo ay noqdaan hay’ad madaxbannaan oo si dhab ah xukuumada ula xisaabtama. Waxaan ognahay culayskii Golaha Wakiilladu saari jireen dawladdii Rayaale, waxayn ognahay in shirguddoonka wakiilladu yihiin kuwii mudaharaadada abaabuli jiray markay dawladdii Rayaale is qabsadaan, laakiin intii xukuumadani talada dalka la wareegtay ma aragno wax culays ah oo Golaha Wakiilladu saaray, laakiin waxaynu aragnaa Gole wakiillo oo aad moodo inay xukuumada ka tirsan yihiin,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, isagoo Golaha Wakiillada kula taliyey inay gartaan wixii loo soo doortay, isla markaana laga shaqaysiiyo guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada.

Waxa kale oo murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Sheegay in mudanayaasha wakiilladu ka shaqeeyaan dantooda oo qudha, balse aanay wax xil ah iska saarin danta bulshadda iyo shacabkii soo doortay ee Somaliland, isagoo isbarbardhig ku sameeyey mushaharka mudanaha wakiillada ka tirsan qaato bishii iyo mushaharka askariga ciidammada ku jiraa bishii u xaadiro.

“Golaha Wakiilladu maaha inay kelidood mushaharka isku kordhiyaan, marka ay shaqada ka tagaana ay sannad mushaharkii sii qaataan, waana inay ka fikiraan danta ummadda danyarta ah ee dooratay. Ninka askariga ahi marka uu dhinto wax xuquuq ah oo uu leeyahay ma jirto, haddii uu shaqada ka tagana wax la siinayaa ma jirto. Mudanaha Golaha Wakiilladu waxa uu bishii mushahar u qaataa inta ay 15 askari oo ciidammada ka tirsan qaataan bishii. Tusaale ahaan; ninka xildhibaanka ahi waxa uu u xaadiraa $1200 doollar, askariguna 500,000 SLSH (Shan boqol oo kun) oo shillinka Somaliland ah, taasina waxay muujinaysaa in 15 askari mushaharkoodu u dhigto inta uu hal xildhibaan qaato,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Saxaafadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey baahisay warar la xidhiidha in khilaaf ka dhex taagan yahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, kuwaasoo si gaar ah u xusay in khilaaf xooggan u dhexeeyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Murrashaxa jagada madaxweynaha xisbaas Mr. Jamaal Cali Xuseen.

Hasayeeshee, Jamaal Cali Xuseen oo Jamhuuriya weydiiyey waxa arrimahaas ka jira, waxa uu meesha ka saaray in aannu jirin wax khilaaf iyo muran ah oo ka dhextaagan xisbiga UCID, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Horta annagu sida KULMIYE oo kale ma nihin oo iskuma haysano jaggooyin iyo xilal, la iskuma haysto yaa guddoomiye noqonaya, la iskuma haysto yaa murrashax noqonaya, taasina xisbiga UCID qalaylka ayuu ku kala qaybsaday oo intii aan doorashaba la gelin ayaannu sii dhamaysanay, golahayagii dhexena ansixiyey, hay’addihii ku shaqada lahaana loo wada gudbiyey, wax khilaaf ahi xisbiga UCID kama dhextaagna, laakiin figradihii xisbiga sidii loo gudbin lahaa ayaa laga yabaa in figrado kala jaad ahi meesha yimaadaan, taasina waxay muujinaysaa in xisbigu yahay meel arrin ka socdo oo tallada la rog-rogo, waxaannad moodaa in nalaga dhex faa’iidaysanayo oo dad kale oo dano kale lihi naga faa’iidaysanayaan, mar walba ay noo soo farogelinayaan sidii xisbigayaga la isugu dhufan lahaa, taasna waannu ka feejignaan doonaa, waxaanan jecelnahay in toddobaadka soo socda annaga oo isku duuban aannu waxayagii iyo shaqadii xisbiga dadka u soo bandhigno si meesha looga saaro in wax khilaaf ah ka dhex jiro UCID.” Ayuu yidhi.

Xiggasho: Jamhuuriya

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *