Diinsoor(Arraweelo News) Abu Mansuur Al-ameriki oo loo yaqaanay Ommar Shafiiq Hammami iyo lab ka mid ah Muhaajiriinta ka barbar dagaalama Al-shabaab ayaa lagu dilay Koonfurta Somalia. Kadib markii loo galay

 

jidgooyo, iyagoo Al-amerki iyo kooxdiisu u safarayay deegaan kale.

Qaar ka mid ah Shebekadaha taageera Kooxda Al-shabaab ayaa lagu shaaciyay dilka Al-amerki iyo Laba Hoggaamiye oo kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Mareykanka iyo Britain oo lagu dilay weerarkaa.

 

Sidoo kale laanta afsoomaaliga ee BBC-da oo soo xigganaysay Dad deggan gobolka Gedo ayaa faafisay in weerar ay Al-Shabaab ku qaadday ay ku dileen Abu Mansuur al Amriki oo loo yaqaanay Ommar Hammami oo Mareykan ah iyo Usama al-Britani, oo ah British asalkiisu Pakistan ka yimid, kuwaasi oo ka mid ahaa kooxda uu hogaamiyo Al-amerki oo ay hore  isugu dhaceen hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Al-amerki ayaa marar badan la faafiyay ina dileen kooxda Al-shabaab, balse wararka dilkiisa ee hore loo shaaciyay ayaa noqday waxba kama jiraan, wuxuuna dhowaan waraysi uu siiyay Idaacadda VOA qaybteeda Afsoomaaliga, waxa uu ku sheegay in khilaaf weyni u dhexeeyo isaga iyo hogaamiyaha Al-shabaab Abu Subayr Axmed Goddane, isla markaana ay ku dhuumanayaan isaga iyo kooxda uu la socdo ee u badan Muhaajiriintu meelo ka mid ah Somalia, balse waxa uu xusay in aanu isu dhiibayn Maraykanka, iyadoo Maydkiisa shandad loogu geeyo mooyee.

Al-amerki ayaa liska Maraykanu ku bixinayo lacagta Malaayiinka Doolar lagu daray xili danbe, waxaana madaxiisa dul yaal $ 5mly oo lacagta dolarka ah.
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *