Muqdisho(Araweelo News Network) Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirata dawlada Somalia iyo ciidamada AMISON  ee ku sugan  Somaliya  ayaa weerar iyo Qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Wafdi uu

 

hogaaminayay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Maxamud oo maanta booqasho ku tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.

 

Si cad looma ogga khasaaraha ka dhasha weerarka iyo qaraxa oo ay Kooxda al-Shabab sheegatay sida lagu baahiyay  mid ka mid ah websitedada taageera kooxdaa, waxayna ku sheegeen bartaa in laba gaadhi oo ka mid ah gaadiidka wefdiga Madaxweynaha lagu gubay weerarka.

 

Warar kale ayaa sheegaya  in qarax uu dhacay markii miino jidka dhiniciisa la dhigay ay qaraxday xilli Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ku sii jeedeen magaalada Marka oo qiyaastii  110 km koonfur kaga beegan Magaalada Muqdisho.

 

Idaacada  Maraykanka ee VOA-da  qaybteeda Af-soomaaliga oo soo xiganasa qof la socday Kolanyada Madaxweynaha ayaa u sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas rideen markii uu qaraxu dhacay ka dib, taas oo sababtay ugu yaraan  in hal Askari uu ku dhaawacmay qaraxaa , balse si dhab ah looma ogga  khasaaraha kale eek a dhashay qaraxaa iyo rasaasta dhacday qaraxa ka dib midna.

 

Hase eeshee Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Eng: Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yarisow), oo Idaacadda VOA-da la hadlay ayaa beeniyay Qaraxaa, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay si nabad ah  ku tageen Marka,  balse gaadhi ka mid ah gaadiidka Kolanyada uu qalibmay, taas oo sida uu ku dooday ahayd shil caadi ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro ka fuliya Magaalada Muqdisho habeen iyo maalin, waxayna awood ku leeyihiin deegaamo badan oo ka tirsan Somalia, kuwaas oo aanay xukuumadda Xasan Sheekh saamayn ku lahayn.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *