Hargeysa(ANN)Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo  ansixinta axsaabta qaranka  ayaa maanta ku dhawaaqay Liiska  Ururada  siyaasadeed ee  ka soo gudbay kala shaandheyntii, isla markaana buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, kuwaas oo ka qaybeglaya tartanka Doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inuu dalka ka qabsoomi sanadkan.
Munaasibad lagu qabtay saaka barqadii xarunta gudida oo amaankeeda aad loo adkeeyay ayaa lagaga dhawaaqay Liiska Lixda Urur ee usoo gudbay inay tartamaan doorashada golayaasha deegaanka.
Munaasibadaa oo ay kasoo qaybgaleen Gudida Doorashooyinka Qaranka Saraakiil ka socotay Xukuumadda iyo Ururada tartamayay waxay  Shir jaraa’id  oo ay Gudidu wada jir ugu qabteen waxay ku sheegeen in doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo  buuxiyay shuruudihii xeerarka doorashooyinku jidaynayeen.
Ururada soo baxay ayay ku sheegeen gudidu inay  yihiin  lixda urur siyaasadeed oo kala ah WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE  iyo XAQSOOR.
Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta  ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka C/risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee ay ku shaaciyeen liiska ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay  ayaa sheegay inay maanta u tahay dalka maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay. Gudidu waxay  ururadda siyaasadda ee hadhay usoo jeediyeen  inay  ku biiraan xisbiyadda iyo  lixda urur siyaasadeed ee soo baxay.

Dhinaca kalena waxay  Gudidu sheegeen inay dhaceen  oo ay shuruudihii buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah  NUUR,DAMAL,HORYAAL,NDP,BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *