Nairobi(ANN)Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta loo dhaariyay xafiiska madaxtinimada dalkaa xafladda Munaasabadda

loo qabtay Uhuru Kenyatta oo ka dhacday  garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi,  waxaa ka soo qeybgalay hogaamiyayaal ka socda Afrika iyo diblomaasiyiin caalami ah iyo tobanaan kun oo qof.
Musharaxa la tartamayay Uhuru Kenyata ee Mr. Raila Odinga ayaan kasoo qeybgalin xafladda dhaarta Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha cusub ee la dhaariyay maanta Mr. Kenyatta, ayaa loo doortay xilka madaxtinimada bishii la soo dhaafay, isaga oo ka guuleystay Raiisul Wasaaraha xilka hayay Raila Odinga.
Raila Odinga ayaa natiijada doorashada sheegay in lagu shubtay, waxaana uu dacwad ay xisbigiisu  geeyeen maxkamadda sare ee Kenya, taas  oo markii dambe go’aamisay in natiijada doorashada ay ahayd mid sax ah.

Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto waxay dacwad uga socotaa Maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka, kadib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen doorashooyinkii hore ee dalkaa ka dhacay xasuuq kadib rabshado ka dhashay natiijadii doorashooyinkaa oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Dacwada loo haysto Madaxweynaha cusub  ee Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa doodo badani ka taagan yihiin qaabka ay u hortegayaan, maadaama ay yihiin hogaamiyayaal la doortay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *