Afgooye(Araweelo News Network) weeraro Laba Qarax  khasaare dhlaiyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta gelinkii danbe ka dhashay deegaanka

 

Haawo Cabdi ee Ceelasha Biyaha oo ku taal Afgooye oo 30km dhinaca Koonfur ka xigta Magaalada Muqdisho.

Weerarkaa oo lala beegsaday Kolanyo gaadiid oo ay gelbinayeen Ciidamada AMISOM, waxa sheegatay Al-shaabab, iyagoo ku tilmaamay mid loogu aargudayo Amiirkoodii Maraykanku la beegsadeen todobaadkii hore gantaalka dhinaca cirka ee lagu khaarajiyay.

Laba Gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Kolanyada, 12 qof oo ay ku jiraan Afar Maraykan ah, ayaa ku dhintay qaraxa. sidoo kale dad shacab ah gaadhaya 27 ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen. ka dib markii Ciidamada AMISOM fureen tacshiirado rasaas ah oo sababay khasaaraha dhaawaca sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaa.

Afhayeenka Al-shaabab Sheekh Cabdicasiis Abuu Mascab oo ka hadlay weerarkaa ayaa sheegay in ay fuliyeen Ciidankoodu, isla markaana ku dileen General Maraykan ah oo tababaro ku siiya Muqdisho cidamada la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada, wuxuuna xusay in ay ku dhinteen sadex qof oo kale oo u dhashay Maraykanka, kuwaas oo sida uu sheegay taargidkoodu ahaa.

Sidoo kale Abuu Mascab, wuxuu sheegay in weerarka qaraxa ah lagu dilay xubno kale oo u dhashay South Afrika  oo la socday Generaalka Maraykanka iyo qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha Afgooye Cabduqaadir Maxamed, ayaa dhiniciisa u sheegay wakaaladaha wararka in qaraxa uu sababay dhimashada 12 qof oo shicib ah iyo 27 dhaawac ah, kuwaas oo uu sheegay in tacshiiradaha qaraxa ka dib ay fureen ciidanka AMISOM sababeen, wuxuuna intaa ku daray in lab aka mid ah ciidamada AMISOM dhaawacyo soo gaadheen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *