533Cadaaddo(Arrweelo News) Sheekh Xasan Daahir Aways oo maalmahan ku sugnaa deegaanka Caddaado ee xarunta Galguduud ayaa si jujuub ah looga dejiyay caawa magaalada Muqdisho. Kadib  markii garoonka macmalka ah

 

ee degmada Cadaado  laga duuliyay caawa fiidkii.

 

Diyaaradda  la saaray Sheekh Xasan Daahir ayaa caawa 7:30 fiidnimo caga dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho,  halkaas oo ay ku sugayeen masuuliyiinta dawlada federaalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM .

 

Sheekh Xasan Daahir oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku suganaa deegaanka cadaaddo. Kadib markii uu kasoo firxaday  weerar isaga iyo saraakiil kale oo kale oo qaarkood la sheegay inay ku dhinteen weerar uu hogaamiyaha Al-shabaab ku soo qaaday deegaanka Baraawe ee ay ku sugnaayeen.

Xildhibaano iyo saraakiil ka socota dawlada Federaalka ayaa deegaankaa Cadaaddo ku sugnaa tan iyo markii Sh. Xasan Daahir halkaa gaadhay, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii ay ugu qancin lahaayeen inuu muqdsiho u raaco si uu u waajaho dawlada federaalka, balse Sh. Xasan aya shuruudo adag ku xidhay, wuxuuna diiday inuu raaco diyaarada ay wateen isagoo u muuqda in aanu xor ahayn oo maxbuus ah, balse maanta gelinkii danbe ayaa mar kale cadaadis la saaray sheekh Xasan Daahir oo joogitaankiisa maamulka deegaanku ku tilmaameen mid culays ku ah, waxaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Hase yeeshee saacadihii lasoo dhaafay ayay soo baxayeen warar sheegayay  in cadaadis xoogan oo uu maamulka Ximan iyo Xeeb Xasan Daahir Aweys ku saaray  in uu ka baxo deegaanka ay khasab ku noqotay in loo duuliyo dhinaca magaalada Muqdisho, iyadoo aan la saadaalin Karin waxa uu la kulmi doono, balse waxa jira tibaaxo sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aways oo dawlada Qadar xidhiidho iyo wada hadalo u socdeen ka hor intii aanu kasoo firxan Baraawe ay qorshaynay sidii ay ula wareegi lahayd inuu usii gudbo Dooxa si uu dawlada wadahadal ula galo. Iyadoo Qadar saamayn weyn ku leedahay siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo la saadaalinayo inay rajo gelinay mustaqbalka Sheekh Xasan Daahir Aways oo caan ku ahaa hogaamiye dhaqdhaqaaqa ururada islaamiga ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *