macaluusha somaliaMogadishu(Araweelo News Network)Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,  isla markaana  ah xidhiidhiyaha howlaha bani’aadnimo ee Soomaaliya iyo Somaliland, Mr Philip

 

Lazzerani, ayaa ka digay khatarta macaluul kusoo foole Somalia.
Mr Philip Lazzerani oo maanta saxaafada kula hadlay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho, wuxuu faahfaahiyay xaaladaha bani’aadinimo ee ka jirta dalka, isaga oo qeyla dhaan iyo digniin ka muujiyay cabsi laga qabo in macluul ay Somalia dib ugu noqto, haddii aan si taxadir ah looga hortagin ama lagu waajahin wax ka qabashada xaaladaha iman kara.
Mr Philip Lazzerani oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “hadda waxaan heynaa qiyaastii 9 boqol oo kun oo dad ah oo si deg deg ah u baahan kaalmo banii’aadinimo , waxaana ka mid ah 2 boqol oo kun oo caruur ah,  kuwaa oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sanno jir. Waxa intaa dheer laba milyan oo dad ah ayaa waxa ay halis ugu jiraan cunto yari,  kuwaas oo si fudud u gali kara xaalad deg deg ah (emergency situation),  haddii aan si dhaqso ah feejignaan taxadar leh loogu yeelan”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in Somaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu sareeya ee carruurta ay heyso nafaqo darro, iyagoo xusay in  toddobadii caruur ah ee ay da’doodu ka hooseyso shan sano mid ka mid ah uu hadda qabo nafaqo darro bilow ah.

Sidoo kale Qaramada midoobay waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu sareeya heerka dhimashada caruurta, iyadoo tobankii caruur ah mid ka mid ah uu dhinto ka hor maalinta dhalashadiisa, halka ka mid ah shantii caruur ah uu dhinto ka hor inta aanu gaadhin shan sanno.

Sidoo kale waxa ay qaramada midoobay Somalia ku tilmaantay in ay ka mid tahay waddamada ay ugu dhimshada badan yihiin haweenku xilliga umusha, waxaana warbixinadii ugu danbeeyay ay sheegeen in 12kii haween ah ee wadanka ku umulaa, mid ka mid ah ay xilliga foosha geeriyooto.

Taas oo sida ay sheegeen ay  dheer tahay hal milyan oo qof ay gudaha ku barkaceen, xaalladaa oo ka dhigeysa  Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah waddamada ugu badan adduunka ee dadku ay barakaceen, iyadoo dalalka  ku xiga ay yihiin  Suuriya iyo Koofurta Suudan, Soomaliyana waxaa ay noqonaysaa mid uu aad iyo u sareeyo heerka barakaca dadweynaha marka loo eego dunida inteeda kale.

Mr. Lazzerani oo ah ku xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Somaliland, isla markana ah xidhiidhiyaha howlaha banaaidnimo ayaa sheegay, in roobkii la filyay sanadkan Guga uu ka hooseeyo heerka celceliska ee caadiga ah,

Waxa kale oo uu sheegay in Al-shabab masiibo ku tahay mushkilada ka taagan Somalia, isagoo tusaale usoo qaatay waddooyinkii sahayda loo marin lahaa deegaamo badan oo Somalia ah ay gooyeen Al-shabab, isla markaana ay xaalada sii cakireen dagaalo soo cusboonaaday meelaha qaar oo sababay in ay xaaladda sii murgiyaan.

Waxa uu sheegay in xaalad cusub oo cudurka dabeysha laga helay gobolka Mudug, taasina ay kallifeyso in la sii dardargaliyo cidhibtirka cudurka dabeysha, iyaga oo intaa karaankooda ah ku dadaali doono in ay tallaal gaadhsiiyaan deegaamada ay caruurtu joogan ee la gaadhi karo oo dhan, isagoo xusay in ay jiraan Deegaano dhawr ah oo ka jira gobollada Koofurta iyo badhtmaha Somaaliya oo laga soo sheegay in ay carruurtu u dhimtay xaalado nafaqo darro.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *