Muse Biixi1Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sida fiinta uga qayliyay qaabkii

 

siyaasiyiinta ku midoobay Golaha  labaxay  wada tashiga iyo toosinta qaranka usoo bandhigeen tabashadooda, wuxuuna xusay inay haboonayd  inay raggaasi si toos ah xukuumadda,  ama madaxda dalka ugu gudbiyaan wixii tallo iyo toosin ay hayaan.

 

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Horta inay wax dhaliilaan, ama arrimaha siyaasadda ka hadlaan waa waajibaad ay iska leeyihiin xisbiyada mucaaradka oo ay hawshooda tahay. Raggan maalinta dhawayd hadlay waa Odayaashii waaweynaa ee dalka usoo halgamay, tallo way soo jeedin karaan, tilmaana way bixin karaan, arrimaha dalkana way ka hadli karaan, laakiin waxa haboonayd in la isu yimaado oo sidii laysku  arki jiray xafiis,  ama meel kale oo intaa ay ka sheegeen warbaahinta toos u sheegaan, haddii laga dhegaysan waayo,  ama waxa ay sheegeen wax laga sixi waayo markaasay xaq u lahaayeen dhawaaqa dheer,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo xalay waramayay Telefishanka qaranka Somaliland.

 

Muj. Muuse Biixi waxa kale oo uu xusay in siyaasiyiinta ku dhawaaqay  golahaasi ay yihiin kuwo ay aqoon fiican isu leeyihiin  isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, sidaa darteed aanay qurux badnayd inay warbaahinta isku mariyaan hadallo naxdin iyo niyad-jab ku abuuraya shacabka, isagoo yidhi, “Annagu waxaannu qabnaa KULMIYE intii uu joogay barmaamujkii uu dalka u ballanqaaday in badan ayuu kafeeyey oo shacabku u markhaati yihiin. Raggaasi, aniga iyo Madaxweynuhu afartankii sanno ee u dambeeyey dad nolosha sidaa isugu marnaa ayaanu ahayn, halgan soo wada galay, si walba isu garanaya.

 

Waxay ila tahay odayaashaa taladooda waa la qaadan, waa la isu iman oo waa la is toosin si wadajir ahna waxbaa loo qaban, weliba waa la tixgelin doonaa, laakiin annagu xataa haddii khaldameen warbaahinta ku dhaleecayn mayno, iyagana waxaannu kula talinaynaa ma nihin raggii ku wadahadli lahaa saxaafadda ee waxaynu nahay raggii dalka wax u wada qaban lahaa, waxa la inaga filayaa dadku waxaannu ka nixin, waayo ummaddu markay aragto odayaashayadaa waawayn oo is tuurtuurayna waa naxdin iyo niyad-jab oo waxba hagaagimaayaan, markaa waxaan leeyahay waxa fiican innagoo sida toosan u wadahadalna.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ballanqaaday inay wadashatan doonaan siyaasiyiinta golaha watashiga iyo toosinta qaranka ku dhawaaqay, wuxuuna sheegay in aan loo baahnayn in mudaharaad la abaabulo, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi,   “Mudaharaad waxa la abaabulaa marka la ismari waayo ee talladu car iyo car gaadho, laakiin raggani waa dad aannu wadatashan karno oo haddii ay iyagu imanwaayaan annaga ayaa u tagayna oo odhanayna maxaa dhacay, maxaad tabanaysaan, sidaynu wax u dhamaysanaa” ayuu yidhi, Muuse Biixi Cabdi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *