Marka(ANN)Al-Shabaab ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in uu dhintay Sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska ee habeen hore weerarka kusoo qaaday degmada Buula-Madheedh oo ku taal duleedka Marka.kadib markii uu fashilmay
hawlgal ay doonayeen inay kusoo furtaan Denis Allex oo Al-shabaab u afduubnaa tan iyo 2009.
Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta AlShabaab laguna baahiyay Barta Twitter-ka ee Xarakada ayaa lagu sheegay in ninkan Sarkaalka ah uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay Dagaalkii ay Kumaandoosta Faransiisku la galeen Al-shabaab, balse ay dhaawac ahaan goobta ka qaadeen kadib markii Kooxdii uu watay ee Faransiisku ay ka carareen, kaas oo ay sheegeen inuu saacado ka dib u dhintay dhaawacii soo gaadhay.
Al-shabaab waxa ay sheegay in ay Macluumaad aad Muhiim u ah ka heleen Sarkaalka Faransiiska ah intii uunu dhiman ka hor iyo weliba qalab aad u fara badan oo ay ciidanka uu watay goobta dagaalku ka dhacay ee Buula-madheedh kaga careen, kaas oo sida ay sheegeen iskugu jira Qalab Milatari iyo kuwo dhanka Lojistikada ah, isla markaana soo bandhigay Maydkiisa.
Dhinaca kale dawlada faransiiska ayaa qiratay in weerarka la doonayay in lagu soo furto Denis Allex uu guuldaraystay, isla markaana ay kaga dhinteen laba Askari oo ka mid ahaa kooxda Kumaandoosta ee weerarka fulisay, isla markaana ay kooxda Al-shabaab dileen Ninkii ay afduubka u haysteen. Laakiin Al-shabaab ayaa mar kale ku celisay inuu noolyahay ninka u afduubnaa oo ahaa Denis Allex, kaas oo ay sheegay in Hogaanka Sare ee Xarakada Al-shabaab uu go’aan ka gaadhay sidii laga yeeli lahaa Sarkaalkii Faransiiska ah ee Mr. Denis Alex oo ay Saddexdii Sano ee ugu danbeeyay Gacanta ku hayeen, waxayna xuseen in Go’aankaa laga gaadhay sarkaalkaa lagu dhawaaqi doono Saacadaha soo socda.
[…] lagu soo furto Denis Allex oo u dhashay Faransiiska, isla markaana u afduubnaa Al-shabaab tan iyo 2009, ayaa ku dhamamaday guuldaro kaddib markii goor habeenimo ah weerarka ciidamada Kamaandowsta […]