MAlshabaabogadishu(Araweelo News Network)Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magcaabo Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay  ciidankoodu

 

hawlgal ku khaarajiyeen Col. Ibraahim Axmed Faarax oo uu sheegay inuu ahaa Taliye ku xigeenkii ciidanka la dagaalanka Argagaxisada.

Abuu Mascab oo waxa uu sidaa ku sheegay war lagu baahiyay warbaahinta, isagoo yidhi,  “Sarkaalka Ashahaadda ladirirka ah ee Ibraahim Axmed Faarax iyo mid kale oo la socday ayay mujaahidiintu ku dileen halka ay iska galaan degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab,murtadkani wuxuu ahaa Ninkii mas’uulka ka ahaa qalabka muslimiinta Lagu Jaajuuso ee yaal xarunta Xalane”ayuu yidhi Abuu Muscab.

Afhayeenka Al-shabaab, wuxuu sheegay in Col.  Ibraahim Axmed Faarax uu ahaa Jaasuus weyn oo xidhiidhiye u ahaa CIA-da Mareykanka iyo Dowladda Federaalka, islamarkaana mas’uul ka ahaa qalabka Taleefanada lagu dhageysto oo uu sheegay inuu ku rakibanyahay xerada Xalane.
Xukuumadda Dawlada Federaalka Somalia, ayaan weli ka hadlin sheegashada Al-shaabab ku sheegatay in ay khaarajiyeen sarkaalkaa, balse warbaahinta dawlada ayaa sheegtay weerarka lagu khaarajiyay taliye ku xigeenka.

Al-shabaab waxay hore ugu hanjabtay in ay mudada lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan sii laban laabayaan weerarada ay ku hayaan dawlada Federaalka iyo Ciidamada shisheeye ee ku sugan Mogadisho.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *