madaxweyne silanyo Ethiopia

Addis Ababa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo oo saaka ka anbabaxay xarunta Somaliland ee

 

Hargeysa ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Adis-ababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo ka degey garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport waxa halkaa kaga hortagay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawlada Federaalka Ethiopia.
madaxweyne silanyoethiopia2
Masuuliyiin ka socotay wasaarada arrimaha debada ee Ethiopia, safiirka midowga Africa u fadhiya dalka Ethiopia iyo Chief Protocol ka Ethiopia, ayaa ku sugayay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa dhabaha diyaaradaha ee Bole International Airport, iyadoo lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo ubaxyo lagula sugayay Madaarka, waxaana loo gelbiyay dhinaca qolka VIP-da.

madaxweynesilanyoEthiopia2Soo dhowaynta madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa wax aka qayb qaatay masuuliyiinta safaarada Somaliland ee Addis Aababa safiirka Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay mudada ay  joogaan Dalka Ethiopia kulamo la yeeshaan madaxda dalka Ethiopia, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal ka dhexeeya oo mudooyinkan hakad galay. Kadib markii dawlada Ethiopia xidhay xuduudaha dhinaca dhulka lix dal ay Somaliland ka mdi tahay.

Madaxweynaha Somaliland oo ay  safarkaa ku weheliyaan wasiirka Arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde.
Ka hor intii aanu saaka ka boqoolin Madaxweyne Siilaanyo dhabaha diyaaradaha ee Hargeysa, waxa uu ka hadlay ujeedada safarkiisa oo sheegay in ay qayb ka tahay kulamo uu madaxda Ethiopia kula yeelanyo Addis ababa oo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo hakadka galay isu socodka xuduudaha.
Halkan ka dhegyeso hadalka Madaxweynaha.
110101_006

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *