Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay  Warar Sheegaya In Kolanyo Gaadiidka Shirkadda Shidaalka Lagu Weeraray Deegaanka Hawdka

Burco(Araweelo News Network) Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warar sheegaya in kolanyo ka tirsan shirkadda sahaminta shidaalka ee dhowaan hawsha shaqo ka bilaabay deegaamadaa la rasaaseeyay.

 

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji oo weriye ka tirsan shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com iyo Araweelo news khadka telefoonka kula xidhiidha galabta kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaa in koox hubaysani deegaanka Gunbur Libaax ku weerareen gaadiid ka mid ah kuwa shirkadda Genell Energy oo ay saaraayeen hawlwadeeno ajaanib ah oo saaraa gaadiidkaa oo marayay deegaanka Koonfur Bari ee kaga beegan xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.

Hase yeeshee Badhasaabka ayaa sheegay in ay isaga oo ay weheliyaan Taliyaha Gobolka ee Booliska, Saraakiil ka tirsan shirkadda Genell iyo Odayaal deegaanka ka tirsan ay saaka subaxnimadii hore u baxeen arrimo la xidhiidha kormeer iyo Wacyigelin, isla markaana tabashooyinka dadka Tuulooyinka qaarkood ay ka wada hadleen waxa ay tabanayaan oo la xidhiidha dhinaca xuduudaha Tuulooyinka, wuxuuna xusay inay soo mareen Tuulooyinka Culuuley, Bakool, Uurweyne, Fadhixun iyo Beer, halkaas oo sida uu sheega ay kula hadleen dadka deegaanka.

wuxuuna xusay in arrintaasi aana ahayn mid  xidhiidh la leh sida uu sheegay Gudoomiye Xamarji hawsha shirkadda ee sahaminta Shidaalka, balse waxa uu xusay in ay layaab ku noqotay  markii ay kusoo laabteen Magaalada ina ugu yimaadeen wararka sheegaya in la weeraray shaqaalaha iyo shirkadda shidaalka ee Genell, taas oo uu sheegay inay tahay dacaayad iyo borobagaando la doonayo in lagu wiiqayo xasiloonida  oo  cadawgu ka faa’idaysanayo.

Gudoomiye Xamarji waxa uu sheegay in hawsha sahaminta shidaalku sideedii u socoto, isla markaana a jirto wada shaqayn dadka deegaanka iyo masuuliyiinta shirkadda oo ay xukumad ahaan iyagu masuul ka yihiin amaanka.

Sidoo kale Sarkaal lagu magcaabo Cabdi Siciid Aadan (Cabdi Macaane ) oo ah wakiilka shirkadda Genell ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay saaka subaxnimadii u baxeen si ay  kormeer iyo wacigelin uga sameeyaan deegaankaa,  balse waxa uu sheegay in ay markii ay kusoo laabteen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ugu yimaadeen wararkaa sheegaya in la rasaaseeyay shaqaalaha shirkadda, taas oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin, wuxuuna  sarkaalka u hadlay shirkadda Genell u sheega weriyaha ka tirsan shebekaddaha Arraweelo.com iyo araweelonews in aan waxba ka jirin warkaa oo ay shaqadooda si fiican oo nabadgelyo ah u wataan, isla markaana wuxuu u mahad celiyay Odayaasha deegaanka iyo masuuliyiinta gobolka ee hawsha la wada.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *