Washington(ANN)Hay’adda Human Rights Watch ee xuquuqda Aadamaha oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa ciidamada dalka Kenya ku eedeysay inay galaan gaboodfalo xadgudubyo ka dhan ah  xuquuqda aadamaha oo ay ciidamadaasi u geystaan qoxootiga Soomaalida ee

 

ku nool  Dhadhaab oo ah xereda ugu weyn aduunka, isla markaana ugu da’aweyn xeryaha qoxootiga ee dunida oo ku taal dalka Kenya.
Sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch maanta, taas oo ay ku sheegtay in ciidamada Kenya dadka ku nool xeradaa oo ku taal Gobolka Woqooyi Bari  ee Kenya iyo bulshada Soomaalida ee gobolkaa  ay  ku hayaan xadgudubyo dhinaca xuquuqda Aadamaha ah. Iygoo geysta gaboodfalo ay ka mid yihiim Kufsi, jidhdil iyo weliba ciqaabo kale oo xadgudub iyo sharaf dhac ku ah karaamada iyo sharafta xuquuqda Aadamaha.
Mr. Daniel Bekele oo ah Agaasimaha Africa ee Human Rights Watch  ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay si isku mid ah ugu xadgudbaan xuquuqda dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Waqooyi bari ee Kenya iyo Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab.
“Saraakiisha Ciidamada Kenya waxay si muuqata u jidhdilaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyagoo aan ka baqayn sharciga” ayuu yidhi Bekele oo xusay in falkii ugu dambeeyay uu ka dhacay Degmada  Gaarisa ee gobolka Woqooyi bari Kenya.
Sarkaalkaa ayaa  sheegay in Saraakiil ciidamada Amaanka Kenya ka tirsan ay si cad ugu jidh dileen Badhtamaha Gaarisa [Jan 11, 2012] dad shacab ah, kuwaas oo sida uu sheegay markii ay aad u jidhdileen ka dib xabsiga u taxaabay oo  xidhay. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
“Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab si xun ayaa loogu dhibaateeyaa Qoxootiga iyo dadka kale ee deegaanka degen ee Somalida ah, sidoo kale waxaa xadgudub lagula kacaa dadka aan Somalida ahayn ee Gobolkaas ku nool” ayuu yidhi. Mr. Daniel
Hay’adda  Human Rights Watch ayaa sheegtay  in looga baahan yahay saraakiisha Amaanka Kenya inay ilaaliyaan xaqa qofka bani’aadamka ah, iyagoo xusay in baadhis lagu sameyn doono dambi kasta oo la galo sharcigana lagu horkeeni doono cidii gashay gaboodfaladaa iyo xadgudubyada ka socda deegaankaa.
Hase yeeshee Waxaa hadalka hay’adda ka jawaabay Afhayeenka Milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir oo sheegay in Human Rights Watch  aanay  wax war ah u hayn xadugudbyada la geysto, balse wuxuu  sheegay inay  dhankooda  baadhis joogto ah ku sameeyaan dambiyada ay ciidamadu galaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *