Hargeysa(ANN)Munaasibad si weyn loo agaasimay oo ujeedadeedu  ahayd mashruuc malaayiin dollar oo Biyo gelin loogu samaynayo afar magaalo oo Somaliland ah ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaacii (Saylici) ayaa furitaanka mashruucaa ka sheegay in Midawga Yurub  28 Malyan oo Dollar  ku ogolaadeen in lagu balaadhiyo  Biyaha balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo.
Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu u mahadceliyay Midawga Yurub oo mashruucaa ugu deeqay Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha in baddan oo Bulshada Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi Ilaahay  ka sakow waxa leh midowga Yurub oo ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.” Ayuu yidhi Seylici.

“Waxa mashruucani faa’iidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  waxa uu sheegay mashruuca oo ku kacaya  dhaqaalle  badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta iyo wax soo saarka ee loo waajihi lahaa horumarinta adeegyada kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, Biyaha IWM. Sidaa awgeed loo baahanyahay in hareeraha layska taago mashruucaa sidii uu u hirgeli lahaa., isagoo yidhi,  “Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaa  leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka Biyaha afartaa magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani. Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku

Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo munaasibadaa hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahad celiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afartaa magaalo,  waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan.
Dr. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu  tafaasiil kooban ka  bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo la’aaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, isagoo yidhi, “Mashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh,”

Waxaan doonayaa inaan xuso in markii sanad ka hor Nairobi aanu kula shirnay qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee u bandhignay baahida Biyaha, isla markaana  ka dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waaana mid aanu  ugu hayno xushmad aad u weyn.” Ayuu yidhi Wasiirka Macadanta iyo Biyaha Somaliland, wuxuuna balanqaaday  inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh.
Sidoo kale waxa munaasibadaa  ka hadashay Haweenayda Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo Bariga Afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isabel Ferial De Almeida, waxayna  ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi.
Mrs. De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale.
Waxa kale oo ay sheegtay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in EU-du ay gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland. sidoo kale waxa munaasibadaa Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Siyaad  iyo Maayarka Caasimada Jiciir.
Mashruucan oo uu ku baxayo adduun dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa.
Sidoo kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta.
Waxa kale oo 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan.waxaana mashruucan wadajir u maamulaya Dawlada Somaliland iyo Midawga Yurub.

 

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *