Hargeysa(ANN) Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil, ayaa jawaab ka bixisay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah shebekaddaha websedyada Soomaalida qaarkood oo lagu baahiyay macluumaad la xidhiidha macaamiisha shiradaaha dahabshiil qaarkood ee dhinaca xisaabaadka

 

account-ada xisaabeed ee dadkaa iyo aqoonsiyadooda.

Qoraal saxaafadeed ay qaybta warbaahinta ee Dahabshiil kasoo saartay xaruntooda ugu weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in digniin loo jeediyay dadka ka danbeeyay falalkaa oo ay shirkadu ku sheegtay kuwo la doonayo dhaqaalle iyo  in lagu waxyeeleeyo sumcada Hay’addaha u adeega Bulshada Soomaaliyeed ee dahabshiil ka mid yahay, qoraalkaa shirkadda oo ciwaan looga dhigay
“Hantida Shirkadda Dahabshiil iyo tan macaamiisheeduba waa mid Xafidan”, ayaa u qoraan sidan:-

Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah  Shirkadda Dahabshiil. Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shirkaddu  u saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin ah inay ka waantoobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan, ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan  in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu Dahabshiil ka midka yahay, iyadoo aanu ka foojiganahay,  isla markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.

Sidaa darteed:

1.      Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee looga bartay u socoto.

2.      Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.

3.      Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada qaar ay tahay mid aan sax ahayn.

4.      Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka Dahabshiil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *