Alshabaab
Buula Madheedh(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa meel Fagaare ah ku toogatay sadex dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen basaasiin u shaqaynayay dawlada Somalia iyo dawlado shisheeye.

Dhalinyaradaa ayaa sida ay sheegtay Al-shabaab la horgeeyay maxkamadda islaamiga ah ee shabeelaha Hoose, waxaana fagaare ku yaal Buula Madheedh ka akhriyay  galabta denbiyada uu sheegay in lagu helay dhalinyaradaa qaadiga maxkamadda. Kadibna waxa lagu fuliyay xukun dil ah.

Dhalinyarada Al-shabaab toogatay ee lagu eedeeyay basaasnimada waxa magacyadooda iyo eedaha lagu helayba lagu sheegay sidan:-

1-Cali isxaaq cabdi oo 24  jir ah waxaa lagu helay in uu PS-ta dowladda Federaalka lashaqeynayay, isla markaana uu dhowr qof gacan geliyay ciidankaa.

2-Cusmaan Mahdi Cusmaan  oo 33 jir ah wuxuu musharax u ahaa gudoomiye ku xigeenka qoryooley, waxaana lagu eedeeyay in la qabtay isagoo maeelshiyaad si hoose u  aruursaya.

3-Bareele macalin  C/Raxmaan oo 31 jir ah waxaa lagu helay fal jaasuusnimo isagoo ka yimi dhanka dhulka soomaaligalbeed Itoobiya gumeysato xubina ka ahaa ciidanka Liyuu Booliska.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *