cabdulaahi abokorHargeysa(Araweelo News Network)wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdullaahi Abokor ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaala xaafada jig-jiga yar ee galbeedka magaalada Hargeysa.

Ciidamada RRU ee sida Milateriga u tababaran ayaa xalay saacadihii danbe hawlgal la doonayay in lagu soo qabto Wasiir ku xigeenkii hore ka fuliyay halkaa, balse wax ka dhashay dhaawacyo soo gaadhay Ciidanka amaanka iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee amaanka. Kadib markii uu isku dayay in uu is difaaco, iyadoo ay guriga ku signaayeen malayshiyo beeleed uu ku urursaday, kuwaas oo qadar ay rasaas is dhaafsanyeen ciidanka amaanka, balse waxay ciidamadada amaanka ee hawlgalkaa fuliyay markii danbe gudaha u galeen gurigaa, iyagoo kasoo qabtay masuulkaa hore oo ku dhuumanayay Suuliga Gurigiisa.

Maanta Barqadii ayaa xabsiga Mandheera loo qaaday Cabdullaahi Abokor iyo sidoo kale dhawr iyo toban qof oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan ilaalada difaacaysay iyo dad kale oo falal amnidaro loo qabtay labadii habeen ee u danbeeyay oo ay magaalada Hargeysa ka dhaceen qaraxyo xiliyadii marxuum Cigaal iyo xukuumaddii ka danbaysay la maqli jiray marka ay xiisad saiyaasadeed taagantahay, kuwaas oo aan sanqadh mooyee wax khasaare ah geysan, isla markaana shacbiga cabsi geliya.

Dhinaca Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran-cade ayaa ka hadlay xaalada qaraxyadaa iyo qabashada wasiirkii hore ee amaanka Somaliland oo sheegay inuu ka horyimi sharciga iyo nidaamka dalka oo gurigiisa ku urursaday hub iyo ciidan, taas oo uu sheegay in ay sabab u ahayd isku dhaca ciidanka iyo kooxdaa oo mid ka mid ah dhaawacmay markii ay ciidanku hawlgalka wadeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-cade waxa uu saxaafada usoo bandhigay hubkiii laga qaaday kooxda difaacaysay wasiirkii hore ee aminiga. sidoo kalle waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii waday falalka qaraxyada oo uu ku eedeeyay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, balse ma sheegin kuwa ay yihiin masuuliyiintaasi.

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *