1GudsaleebaanHargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay halka ay marayaso dhexdhexaadinta xsibiga Kulmiye ee sida weyn u abuurtay khilaafka ka aloosan

dhinacyada xisbigaa, wuxuuna sheegay in ay ku rajo weyn yihiin sidii xal loogu heli lahaa khilaafka.
Gudoomiye Saleebaan oo maanta saaxafada la hadlay isagoo ay weheliyaan Odayaasha kula jira arrimntaa ee Guurtidu, wuxuu sheegay in ay dhinaca Gudoomiyaha Kulmiye iyo Gudoomiye Xigeenku ka aqbaleen ergada oo ay u sheegeen in ay qaadanayaan wixii go’aan ay sooo saaraan Odayaashu, isagoo Gudoomiye Saleebaan sheegay in dhinaca Madaxweynaha ay la balansan yihiin maalinta Beri ee sabtida ah oo ay rajo wanaagsan ka qabaan.
Gudoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in dib loo dhigay oo la hakiyay shirarkii ay labada dhinac ee Xisbigu iclaamiyeen ee u qorsheeyen 31 May iyo 1 Jun, wuxuuna usoo jeediyay in ay bulshadu iska ilaaliso wixii dhibaato iyo nabadgelyo daro keenaya oo iyagana guurti ahaan laga war sugo.
Sidoo kale Gudoomiye Saleebaan wuxuu isagoo khilaafka ka hadlaya sheegay in ay Somaliland soo martay marxalado siyaasadeed oo khilaaf sidan oo kale dhashay, balse mar walba lagu guulaysto in xal laga gaadho oo laga heshiiyo sidaa awgeed aanu khilaafka hadda ee Kulmiye waxba ka duwanayn kuwaa hore.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *