Buula Madheedh(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa meel Fagaare ah ku toogatay sadex dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen basaasiin u shaqaynayay dawlada Somalia iyo dawlado shisheeye.
Dhalinyaradaa ayaa sida ay sheegtay Al-shabaab la horgeeyay maxkamadda islaamiga ah ee shabeelaha Hoose, waxaana fagaare ku yaal Buula Madheedh ka akhriyay galabta denbiyada uu sheegay in lagu helay dhalinyaradaa qaadiga maxkamadda. Kadibna waxa lagu fuliyay xukun dil ah.
Dhalinyarada Al-shabaab toogatay ee lagu eedeeyay basaasnimada waxa magacyadooda iyo eedaha lagu helayba lagu sheegay sidan:-
1-Cali isxaaq cabdi oo 24 jir ah waxaa lagu helay in uu PS-ta dowladda Federaalka lashaqeynayay, isla markaana uu dhowr qof gacan geliyay ciidankaa.
2-Cusmaan Mahdi Cusmaan oo 33 jir ah wuxuu musharax u ahaa gudoomiye ku xigeenka qoryooley, waxaana lagu eedeeyay in la qabtay isagoo maeelshiyaad si hoose u aruursaya.
3-Bareele macalin C/Raxmaan oo 31 jir ah waxaa lagu helay fal jaasuusnimo isagoo ka yimi dhanka dhulka soomaaligalbeed Itoobiya gumeysato xubina ka ahaa ciidanka Liyuu Booliska.