images/stories/wadad burco.bmp  Hargeysa(ANN) Maamulka Dawlada Hoose ee degmada Burco ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray Wado laami ah oo ay ka hirgalisay magaalada Burco , taas oo xidhiidhinay labada laami ee waaweyn ee magaalada Burco dhex mara.Mashruuca wadadan cusub  oo noqonay tii ugu horaysay ee nooceeda ah mudo labaatan sanadood ka badan

 

laga hirgeliyo magaalada Burco, ayaa socotay mudo Sedex bilood ah, iyadoo  ay ku baxday Lacag dhan $70,000 Doolar. Waxaana  jidkaa Laamiga ah  maalgalisay Dawladda Hoose ee Magaalada Burco.  Munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Saaka wadadaa ayaa lagu qabtay goobta wadada  ku taalo ee dhismeheeda la mariyay.
Munaasiabadaa  oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay madax kala duwan  sida masuuliyiinta  maamulka gobolka Togdheer ,Xil. Golaha deegaanka Burco ,Salaadiin ,Cuqaal ,Aqoonyahano, Ganacsato ,Culimo iyo boqolaal qof oo kale oo ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.
 Duqa degmada  Burco Maxamuud Axmed Axmed Xasan (Dhagalaab) oo xafladaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay wadadan cusub ee ay dhiseen waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
“Wadadan waxaanu ku dhisnay cashuurta yar ee inaga soogasha adhiga lagu Iibsado Saylada xoolaha nool iyo shilimaanta aanu ka qaadno Jaadka magaalada soo gala gaar’ahaan inta suuqa lagu Iibiyo ,waayo magaalada Cushuuro kale ma soo galaan ,maxaayeelay waxyaabaha Konfur ka yimaadana Caynaba ayaa lagu cashuuraa ,Kaargooga iyo gaadiidka qaadka sidana Wajaale iyo Kalabaydh ayaa lagu cashuuraa ,sidaa awgeed hadii aynu nahay reer Burco waxaynu umada tusaynaa in aynu inaku waxqabsan-karo inagoo cid u yeedhan “Sidaasi waxa yidhi Maayirka Burco.
Waxaanu intaasi raaciyay oo uu sheegay in ay wadadan in ay ku dhiseen Lacag dhan $70,000 Doolar isla markaana ay ku dhamaystireen wakhti Sedex bilood ah .
Sidoo kale waxa uu sheegay iyana in ay dhisayaan Laami kale oo isna mara wadada suuqa Sakatul yuhuud taas oo iyana labada laami ee magaalada xidhiidhisa ,halka tan cusub ay ka dhiseen bacadlayaasha Burco.
Xil.Maxamed Diiriye Xayd Maayirkii hore ee Burco oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay mashaariicdii ay Dawlada Hoose qabatay intii ugu waawaynayd mudadii ay hogaaminayeen Maayarkan Burco Maxamuud Axmed Xasan ,iyo Ku xigeenkiisu ,Axmed Cabdi Falay iyo Xoghayahahooda fulintu C/raxmaan Maxamuud Xasan waxaana uu yidhi:
” Mashaariicda wax qabad ee Dawlad Hoose ahaan aanu fulinay wakhtigii Golaha deegaanku jiray waxa ka mid ahaa dhismaha laamigan cusub  ,dhismayaasha labada sariibadood ee magaalada , 20 Gaadhi oo ay laba cagaf iyo laba Wiish ku jiraan oo aanu Dawlada Hoose u Iibinay ,maamulka Dawlada Hoose oo aanu dhaqaalihiisa iyo maamulkiisaba dhisnay.
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaanu dayac tir ku samaynay Xero dhiigta xoolaha lagu qalo ,Sayladana waxaanu u samaynay hadhadh xooluhu hadhsadaan ahminka iyo Daabaxu ,waxaananu gudaha magaalada ku beeray Dhir.
Waxaanu markii danbe sheegay Maxamed Diiriye Xayd mustaqbalka in ay u qorshaysantahay in ay magaalada u sameeyaan Taangiyo biyaha kaydisa iyo Gaadhi Dabdamis ah oo ay si degdeg ah ugu talo jiraan.
Geesta kale waxa isna xafladaasi ka hadlay Sugule Cali oo ka mid ah Odayaasha gobolka Togdheer waxaanu dhaliil xoogan oo cadaalad daro ah ku tilmaamay   habka  Siilaanyo u qaybiyay xukuumadiisa oo uu sheegay in aaney isu dheeli tirayn isla markaana ay umada tusayso habdhaqanka maamulkiisa isbedelkii uu ku taamaayayna uu arimaas hu wanaa ,taas oo uu tilmaamay in ay nasiib daro tahay in uu sidaasi yeelo.
Waaxanu Mr. Sugule Amaan balaadhan u jeediyay maamulka Dawlada Hoose ee Burco oo uu sheegay in ay waxqabad dhab ah muujiyeen oo ku dayasho mudan isla markaana waxa uu xusay in ay xaq u leeyihiin in mar labaad shicibka reer Burco doortaan  oo waxqabadkooda ku qiimeeyaan.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maxamuud Aadan Dheri Guddoomiyii hore ee gobolka Togdheer iyo Caaqil Xasan Dhuux Yare oo iyana sheegay waxqabadka Dawlada Hoose ee Burco in uu soo ifbaxay isla markaana ay cadaynayaan Wadooyinkan ,Gaadiidka iyo Sariibaduhu, waxaanay usoo jeediyeen in ay sii wadaan waxqabadkooda .
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi oo isagu wadadaasi xadhiga ka jaray isla markaana halkaasi ka hadlay ayaa naqdiyay hadalo xukuumada cusub lagu weeraray .
Waxaanu sheegay xukuumadooda cusub tahay mid dhex ah isbedelkii ay umada ugu balanqaadeen  in qabanayaan sidaa awgeedna waxa uu shicibka usoo jeediyay in ay nabadgelyada ilaaliyaan.
Geesta kalena waxa uu sheegay in uu si weyn usoo dhawaynayo waxabdka dhabta ah ee ay Burco ka fulisay Dawlada Hoose.
Ugu danbeyntii waxa dawlada Hoose ee Burco Shahaadooyin sharafeedyo gudoonsiisay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco C/raxmaan Maxamuud Xasan oo ay sheegeen in uu noqday xoghayihii ugu fiicnaa ee soo mara Dawlada Hoose Laba Enjineer oo dhisay wadadan iyo Shirkadda Telesom Dahabshiil ,Joornaalka Jamhuuriya oo ay sheegeen in ay la shaqeeyeen.
Wadada laga hirgeliyay magaalada Burco waa tii ugu horaysay ee nooceeda ah, iyadoo ay magaalada Burco u lahayd laba wado oo laami ah keliya.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *