somalimemo.netAl-Jeria(ANN)Kooxda Malayshiyada uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar Bal Mukhtaar oo ka mid ah kooxaha Mayalka adag ee Islaamiyiinta ka daagaalama Saxaraha galbeedka Afrika ayaa maanta fuliyay hawlgal weyn oo lagu afduubay in

 

ka badan 40 qof oo ajaanib ah, kuwaas u kala dhashay dalalka Mareykanka Faransiiska,Ingiriiska,Jarmalka,  Japan, Norwey iyo Talyaaniga.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dawlada Al-jeria kooxda afduubka samaysay oo lagu qiyaasay 20 dagaalyahan ayaa weerar ku qaaday wershed kuwa saliida ah oo ku taal Bariga dalkaa, halkaas oo ay ka qafaasheen in ka badan afartan qof oo u dhashay wadamada reer galbeedka oo ka shaqynayay wershedaa, waxayna wararka qaar sheegayaan in ay kooxdu afduub u haysato shaqaalaha ka shaqaynayay wershedda.
.
Wakaalada wararka ee Al-jeria ayaa xaqiijisay in ugu yaraan laba qof ay dhinteen, kuwaas oo wararka qaar  sheegayaan inay kooxdu isla goobtaa ku dishay  laba ka mid ah shaqaalaha oo midkood  u dhashay dalka Faransiiska,  halka ka kalena la rumaysanyahay inuu u dhashay Maraykan, balse waxa jira warar kale oo sheegaya  in khasaaraha iyo dadka la afduubay intaa ka badan yihiin.
Sheekh Mukhtaar Bal Mukhtaar oo ah wadaadka hogaamiya kooxdaa ayaa u sheegay shabakadda Sahara Media  inay ka danbeeyeen afduubka iyo weerarka, taas oo uu ku tilmaamay in lagaga aargudanayo kadib markii dawlada Al-jeria u ogolaatay dalkeeda inay diyaaradaha Faransiiska ee duqaynta ku haya Islaamiyiinta ka dagaalama Mali ay hawadeeda soo maraan si ay u duqeeyaan kooxaha ka dagaalama Mali oo ay jaar yihiin Al-jeria.

“Ciidanka Naftood hurayaasha mujaahidiinta ayaa howlgalkan fuliyay waxaana uga aargudanaynaa Dowladda Aljeeriya oo Faransiiska u ogolaatay in diyuuradaha dagaalka Hawadeeda isticmaalaan”ayuu yidhi Bal Mukhtaar.
Dhinaca kale arrintan oo kusoo beegantay maalmo ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee faransiisku duqayn weeraro ah ka sameeyeen dalka Mali ee ay xadka wadaagaan Al-jeria ayaa lala xidhiidhiyay hawlagalada Faransiiska.

Dhinaca kale Haweenay lagu magcaabo Victoria Nuland oo u hadashay Maraykanka ayaa xaqiijisay inay muwaadiniin u dhashay dalka Maraykanu ku jiraan kuwa la afduubay, balse aanay hayn tirada saxda ah ee dalkooda u dhashay,  sidoo kale  haweenaydaa ayaa sheegtay in xoghayaha gaashaadhiga maraykanka Leon E. Panetta uu deg deg ugu duulay dalka Talyaaniga, isagoo Maraykanu doonaya inuu taageero u helo in talaabo Milateri laga qaado kooxda afduubka u haysata dadka shaqaalaha ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *