Hargeysa (ANN)Labada wiil ayaa ku dhintay, laba kalena waxaa soo gaadhay dhawaac  galabta Roob weyn oo ka da’ay magaalada hargeysa. Kadib markii uu kusoo  dumay Gidaarka Hargeysa Stadium oo ay ka galeen roobkaa. Saraakiisha cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa ayaa
u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in cusbitaalka la keenay maydka lab wiil oo yar yar oo da’adooda lagu qiyaasay 8-10jir, kuwaas oo magacyadoodu yihiin Daahir Xasan Daahir iyo Mustafe Aadan Xuseen, isla markaana la geeyay qolka Maydka oo eheladoodu qorshaynayaan inay ka qaadaan caawa.
Sidoo kale waxa ku dhaawacmay gidaarkaa Hargeysa stadium Ridwaan Baashe Xuseen oo 10 jir ah iyo C/llaahi Aadan oo 35 jir ah, iyadoo la dhigay cusbitaalka guud ee hargeysa oo lagu dawanayo, waxayna hawlwadeenada cusbitaalku sheegeen in C/llaahi Aadan dhaawac halis ahi soo gaadhay oo uu ku jiro xaalad miyir la’aan ah.
Dhinaca kale masuuliyiinta ciidanka booliska ee Somlailand ayaa ugu baaqay shacbiga inay iskaga fogaadaan xiliga roobka dhismayaasha gaboobay iyo meelaha biyao mareenka ah. Tan iyo intii ay roobabku ka bilaabmeen somaliland tan iyo todobaadkii hore waxa roobabku dileen ilaa afar qof inta la ogyahay, kuwaas oo dhismayaal ku dumeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *