Oslo(ANN)Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Oslo iyo Jahliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway , ayaa si balaadhan usoo dhoweeyay maanta Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah

gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani,   C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo socdaal booqasho  ah ku maraya qaar ka mid ah dalalka Yurub.


Gudoomiye Ciro  waxa garoonka diyaaradaha ee Oslo kaga hortegey Safiirka Somaliland ee Norwey Sulub Warsame Xuseen, Saraakiisha xafiiska wakiilka Somaliland ee Norway,  Gudoomiyaha Jahliyada Somaliland ee dalkaa Eng. Rashiid  iyo qaybo ka mid ah bulshada Somaliland ee ku dhaqan halkaa.
Gudoomiye Cirro, wuxuu  jahliyada iyo bulshada Somaliland ee dhaqan Norway  oo kusoo dhoweeyay halkaa xog waran ka siiyay ujeedada safarkiisa iyo wadamada uu soo maray intii uu booqashada safarkiisa ku jiray. Sidoo kale wuxuu uga xog waramay xaalada dalka iyo marxalada siyaasadeed ee xiligan, isagoo dhinaca kalena sharaxaad ka bixiyay hawlaha ay qabteen golaha wakiiladda ee uu gudoomiyaha u yahay iyo diyaargarawga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sanadkan.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *