Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Guddi heer qaran ah oo daraasad ku samaynay  sidii ay Haweenka iyo Beelaha laga tirada badanyahay uga qeyb geli lahaayeen Siyaasada iyo hogaanka talada dalka.Sidaana waxa lagu
sheegay war saxaafadeed kasoo baxay maanta xarunta madaxtooyada oo  lagu shaaciyay magacyada gudidaa iyo waxa ay qabanayaan.  Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa  u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0171/092011 ku Magacaabay Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta Haweenka iyo Dadka laga tirada badan-yahay ee ka qayb-galka siyaasadda.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobada 8aad, 22aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland
Markuu Arkay: Talada Golaha Guurtida JSL, ee ku suntan Ref: GG/JSL/52/032011 kuna taariikhaysan 19/02/2011, ee nuxurkiisu yahay in guddi midaysan oo ka kooban saddexda Gole (xukuumadda, wakiilada iyo Guurtida) loo saaro arrinta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo sugitaanka xuquuqda siyaasadeed ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay,
Markuu Aqoonsaday: In ay haweenku yihiin hal-bawlaha bulshada iyo muhiimada ay u
leeyihiin horu-marinta qaranka.
Wuxuu go’aansaday Madaxweynuhu
In uu Magacaabo Guddida Daraasaynta xoojinta kaalinta haweenka iyo beelaha laga tiro-badan yahay ee ka qayb-galka siyaasadda, Gudidaas oo ka kooban 9 xubnood, oo kala ah:
1. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha &
Dalkxiiska
3. Cali Cabdi Saa’iq Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, G & Gaadiidka
4. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere)
5. Xil. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
6. Xil. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
7. Xil. Muxumed Aw Axmed X. Aadan
8. Amaal Axmed Miisaan, La Taliyaha Madaxweyne ee Arrimaha Haweenka
9. Axmed Muxumed Madar, Gudoomiyaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-Maasuqa
iyo Ilaalinta Dawlad Wanaaga
Hadaba, marka aad deristaan ka dib waxan idiinka rajaynaya in aad ii soo gudbisaan tala dhaxal-gal ah oo Golayaasha Qaranku ku go’aan qaadan karaan, iyadoo la waafajin doono shuruucda dalka.
Waxaan jecelahay in aad kusoo dhamaysaan muddo 3 toddobaad.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *