president silanyo speech1London (Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warar been abuur iyo ujeedooyin

 

siyaasadeed iyo kuwo nabagelya-xumo laga lahaa oo sheegayay in xaaladiisa caafimaad liidato, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka ee dabada ku haya kooxaha aragagixisada iyo cadawga Somalialnd, isla maraakana dadka wax-magaratada ah ee qaata wararkoodu bulshada dhex geliyeen.

Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo, ayaa lagu war helay isagoo saacado ka dib markii la faafiyay munasibad balaadhan oo isugu jirtay Afur iyo casho xalay kala qaybgalay qurba-jooga Somaliland ee London. Iyadoo ay Madaxweynaha weheliyeen Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID, Marwadda koowaad, Wasiirka Waxbarashadda, wakiilka Somaliland u fadhiya London Cali Aadan Cawaalle, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa u mahad celiyay xubnaha qurbo-jooga reer London ee xafladaasi u sameeyay, isagoo yidhi, “Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee aad  halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa, dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba u danaysay,  laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso, dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay dhaliilaha loo jeediyo xumuudasii, wuxuuna sheegay in ay u adkaysan doonaan wixii dhaliil ah ee lagu toosinayo, isagoo yidhi, “Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.”

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ka hadlayay warar been abuur ah oo ujeedooyin siyaasadeed iyo kuwo nabagelya-xumo laga lahaa oo sheegayay in xaaladiisa caafimaad liidato, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka ee dabada ku haya kooxaha aragagixisada iyo cadawga Somalialnd, isla maraakana dadka wax-magaratada ah ee qaata wararkoodu bulshada dhex geliyeen. “Caadfimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona, Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *