-
Published On: Tue, Oct 2nd, 2012

Abwaan Hadraawi Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabaha Maskaxdiisa ku Sawiran Ee Uu Ku Xasuusan Doono Marxuum Gaarriye, Shacbiga Somaliland-na Baaq Usoo Jeediyay Geerida Abwaanka Kadib

Smiley face
Share This
Tags

Addis-ababa(ANN)Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka xog-waramay waxyaabaha aan maskaxdiisa ka faaruqayn ee sida gaar ah ugu xasuusan doono Allaah ha u naxariistee hal-abuurkii caanka ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo habeen hore ku

 

geeriyooday dalka Norway ee qaaradda Yurub oo uu in muddo ah u joogay xaalad caafimaad.

Abwaan Hadraawi oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya khadka telefoonka Jamhuuriya kula xidhiidhay shalay, waxa uu si qoto dheer uga sheekeeyey shaqsiyadii marxuum Gaarriye, farshaxnimadiisa, fahmadiisa, halkii ay marxuumka isku barteen iyo sababaha is-baray, isagoo guud ahaanba bulshada Afsoomaaliga ku hadla uga tacsiyadeeyey gaarida ku timi abwaan Gaarriye, waxaannu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Hal-abuurka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo sharraxayey waxyaabaha aan maskaxdiisa ka baxayn ee uu ku xasuusan doono marxuum Gaarriye, waxa uu yidhi; “Horreyso iyo dambaysaba mudada dheer ee ilaa 30-ka sanno ku dhow. Waxa na soo mara amma hiyigayaga kiciya waxay na soo mareen xilligii Maxamed Siyaad Barre oo markuu xukunka qabsaday loo sacabiyey, laakiin markii dambe la arkay in aannu khayr soo wadin, wax kalena muu samayne ummaddii ayuu kala furfuray si uu u burburiyey quwadda ummaddu leedahay. Dadkiina waxay u baahdeen cid isku sheegta oo is fahamsiisa dhibkii jiray iyo waxa dhacayba, dabeedna waxa curtay maanoosinkii aadka u caan baxay ee Siinlayda iyo Deellayda. Waxaannu baraarujiyey oo isugu yeedhay dadkii Siyaad Barre kala furfuray. Waxyaabaha aan maskaxdayda ka baxayn ee aan Gaarriye ku xusuusan doonana taas ayey ahayd.”

Mar la weydiiyey waxa uu ku sifayn karo farxashankii iyo qaabkii marxuum Gaarriye wax u curin jiray waxa uu ku jawaabay; “Haddii aan ka hadlo qaabkii uu wax u qori jiray. Horta Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ahaa nin Ilaahay fahmo siiyey oo aniga qudhaydu aan aad ula yaabi jiray fahamkiisa iyo abbaartiisa. Waxay ahaayeen laba qodob oo aan aad ula fajici jiray. Waxa uu ahaa nin aad u fahmo badan oo xaataa markuu casharrada qaadanayey amma aannu cashar wada qaadanayno wuxuu ahaa nin markiiba u dhaadhaca ujeeddada iyo dulucda.

Allaah ha u naxariistee marxuum Gaarriye waxa uu ahaa dareenka jira amma taagan nin uu markiiba saameeyo oo aannu kulanno isaga oo dareensan duruufaha waqtigaas taagan oo aanan anigu markaa uba war-hayn. Waxa uu ahaa nin aad u xaasaasi ah oo duruufta taagan iyo waayaha jira ee bulshaddu ku jirto markiiba saameeyaan oo wax ka yidhaa amma ka gabya ammase mararka qaarkood aannu isaga nimaadno oo ka tashano oo markaasna go’aan ka qaadano.

Gaarriye wuxuu ahaa nin xumaantu damaqdo, nin qaran buu ahaa oo intii uu qaban karayey qabtay. Nin culus baa ummadda ka baxay, Ilaahay beddel khayr qaba ha siiyee.”

Abwaan oo ka jawaabayey su’aal ahayd; ‘Waxa jira waxyaabo ama duruufo soo socda oo abwaannada amma bahda suugaantu saadaal ka bixiyaan ama ka gabyaan, kuwaasoo bulshadduna mar dambe fahamto, sidee ayey arrimahaas isku ahaayeen Gaarriye? Waxa uu yidhi; “Dadka qaar Iblays baa ka hadliya, qaarna Ilaahay baa ka hadliya. Qofku marka uu daacad ka yahay waajibka uu ummadda u hayo Ilaahay baa haleelsiiya tubta toosan iyo erayga toosan, laakiin marxuum Gaarriye wuxuu ahaa nin aad u feejigan oo naga hor hela dhacdooyinka nolosha oo markaa bahdayada kale ee fanku aanan fahamsanayn amma uba jeedin oo ku baraarugin, isaga ayaana naga hor baraarugi jiray oo wax naga hordareemi jiray.

Waxyaabo uu ka sii gabyey oo mar dambe dhacay amma la arkayna way jiraan oo waydinkaa arkaya maansadii Ergo ee uu dhawr iyo sagaashankii ka tiriyey Hargeysa waxa ku jira, ragga Sool iyo Awdal eed hagrateen maalinbaa iman doonta toos lagu raadiyo oo raacdadoodu adkaato. Ninka abwaanka ah amma indheer-garadka ah Ilaahay baa afkiisa ku soo ridaya waxa soo socda oo waa tii la yidhi; ‘Nin aan wax jooga garan, waxa soo socda ma garto.’ Afhayeenka ummaddana Ilaahay baa qalbigooda ku soo ridaya erayga loo baahan yahay.”

Markale Hadraawi oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha dhibaatooyinka haysta bahda fanka Soomaaliyeed ee ninba maalinta uu geeriyoodo loo barooranayo, balse aan ifka waxba loogu qaban, waxa uu ku jawaabay; “Qofku intuu nool yahay ee uu silcayo cid ka warhaysa oo waajibaadkiisa iyo wuxuu hayo garanaya ma jirto, laakiin maalinta uu dhintu ayaa la kacaa oo loo baroortaa oo loo calaacalaa. Markaa waxa fiican ummaddu inay ka warhayso ninkeeda macnaha leh intuu nool yahay, xaaladaha uu ku sugan yahay oo aan loo barooran qofku maalintuu dhinto. Afhayeenkii ummadda weeye oo waa iftiinkii ummadda oo ciyaar maahee waxa fiican qofku intuu nool yahay in laga warhayo. Silica iyo gaajada bahda suugaanta haysta Ilaahay uun baa oge waa in intay noolyihiin laga warhayo, maalinta ay dhintaan ma aha in la calaacalo.”

Waxa kale oo abwaan Hadraawi ka xog-warramay taariikhda marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) iyo halkii ay isku barteen, isagoo tilmaamay in marxuumku ku barbaaray Hargeysa, isla markaana tacliintiisii sare ku qaatay magaalada Sheekh, kadibna uga sii gudbiyey Kulliyaddii Lafoole ee Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inay ahayd meeshii ay isku barteen, waxaannu xusay in duruufihii maamulkii Siyaad Barre iyo mihnadooda fanneed, waqtigaas kadibna noqdeen lammaane isku sidkan.

Waxa kaloo Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu tilmaamay in muddadii Gaarriye wadashaqaynayeen waxyaabihii ay qabteen ugu cuslaayeen maansooyinkii lagaga soo horjeeday taliskii Siyaad Barre, uguna muhiimsanaayeen silsiladihii taxanaha ahaa ee Siinlay iyo Deellayda.

Ugu dambayn, abwaan Hadraawi waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in laga warhayo oo la daryeelo qoyska iyo reerkii uu ka baxay Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), isagoo xusay in marxuumku ummadda kaga tagay qoyskiisa iyo qaraabadiisa, maadaama uu ahaa shaqsi geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba u shaqeeyey.
xigasho Jamhuuriya

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>