Norway(ANN)Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa ku geeriyooday dalka Norway, kadib markii uu mudo xanuunsanayay ee xaalad caafimaad loo geeyay halkaa. geerida Abwaanka ayaa soo baxday xalay saacadihii danbe, balse maanta ayaa si rasmi ah loo shaaciyay inuu Abwaanku

 

ku geeriyooday dalka Norway. Gaariye ayaa ka mid ahaa abwaannadii ugu waaweynaa ee dadyowga ku hadla afka Soomaaliga ee degan Geeska Afrika.

Abwaan Gaariye oo geeridiisa si weyn looga naxay,  wuxuu door weyn ku lahaa taariikhda suugaanta Soomaalida oo uu safka hore kaga jiray sidoo kale wuxuu taariikh weyn ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka Somaliland, isagoo ka mid noqday Ururkii SNM ee dagaalka qadhaadh kula jiray taliskii milateri ee maxamed Siyaad Barre.

Bahda shebekada Araweelonews waxay tacsi u diraysaa  qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan  bulshada Soomaaliyeed ee ku hadasha Af-soomaaliga, iyagoo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timi Abwaanka, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo marxuumka iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.   Taariikhda Abwaanka waxaanu idiin soo gudbin doonaa mar kale.

Dhina kale Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray aqoonyahanada Somaliland, bahda hal abuurka fanka iyo suugaanta iyo qoyskii uu baxay marxuum Gaariye, taas oo u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.

Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo

AAMIIN  AAMIIN . AAMIIN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *