araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network) Kulan aan ujeedadiisa la ogayn ayaa dhexmaray Hogaamiyeyaasha labada Xisbi mucaarid iyo Xubno ka socday siyaasiyiinta la baxay Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka.

 

 

 

Kulankaa oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen waxa ka qaybgalay  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, iyadoo dhinaca kalena ay ka qayb galeen xubno ka mid ah golaha wadatashiga. Ma jiro war kasoo baxay kulankaa, balse xoggo laga helay ayaa sheegaya in dhinacyada ka qaybgalay kulanka ay ka wada hadleen xaalada dalka, iyadoo dhinaca kalena kulanka ujeedadiisu ahayd inay muujiyaan oo keliya si ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu cabsi geliyaan iskaashi ay yeelanayaan labada xisbi Mucaarad iyo siyaasiyiinta kooxda wadatashiga.

 

Dhinaca kale kulanka labada xisbi Mucaarad iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wadatashiga, ayaa kusoo beegmay xili ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo soo waajaheen duufaano siyaasadeed oo ka dhashay siyaasad dawlada Britain oo kaashanay Ethiopia doonay inay ku godoomiso. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo u dhega nuglaan waayay rabitaanka siyaasadaha dalalka Britain iyo Ethiopia, kuwaas oo la rumaysanyahay inay sabab u yihiin ka bixitaanka shirkadda Shidaalka ee dalka dhowaan xamaamteeda ka urursatay iyo diyaaradda Ethiopain Airlene oo joojisay duulimaadyadeedii Hargeysa.

Arrimahaa oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku kiciyay duufaano siyaasadeed kadib markii mucaaradka oo aan si weyn ula socon dhacdooyinka siyaasada mandaqada iyo masuuliyiinta aan khibrada badan lahayn ee kooxda awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka bixiyay arrimahaa jawaabo muujinaya in aanaycabiri Karin mushkiladaha soo waajahay ee siyaasadeed iyo sababaha salka u ah ay siyaabo khaldan uga bixiyeen jawaabo, taas oo mucaaradku shacbiga si kale ugu fasiray, isla markaana ay xukuumaddu awoodi weyday inay si dhab ah ugu sharaxdo bulshada xaalada iyo duruufaha siyaasadeed ee soo wajahay dalka.

ifo@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *