Scotland(Araweelo News Network) Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, ayaa is casilay. kadib markii ay guuldaraysatay siyaasadii Ololihiisa ku waajahnaa

 

in ay Scotland ka go’do Boqortooyada United Kingdom oo ay dadka Scotland go’aansadeen in ay  kasii mid ahaanayaan Britain, wuxuuna qiray in laga guulaystay, balse waxa uu sheegay in aanay riyada iyo kaanbaynku ahayn mid dhamaanaysa, isagoo yidhi, “Kaanbaynku wuu soconayaa Riyaduna ma dhimanayso” ayuu yidhi Alex Salmond Wasiirka Koowaad ee Scotland.

Dhinaca kale Ra’iisalwasaaraha Britain Devid Cameron ayaa sheegay inuu ku furaxsan yahay natiijada, wuxuuna sheegay in ay jawaab cad ka bixiyeen Jiilka cusub ee Scotland mustaqbalkooda, isla markaana cadeeyeen in ay kasii mid ahaadaan United Kingdom.

Dadka codkooda dhiibtay ayaa ahaa % 85, dadka la ogolyahay in ay codeeyaan, kuwaas oo tirade guud ahaa  2,001,926, kuwaas  oo codadkooda 1,617,989,  ka mid ahi yidhaadeen, waxaan ka mid ahaanaynaa Britain, waxayna natiijadii kama dambaysta ahayd noqotay %55.3, ay doorteen codka Maya, halka %44.7, doonayeen dadkii codeeyay in ay ka go’aan Britain.

Natiijada ayaa muujisay in dadka reer Scotland go’aansadeen in aanay ka bixin United Kingdom 307 sanadood ka dib, ayaa soo afjartay walaac weyn oo soo waajahay Dalka Boqortooyada United Kindom, kaas oo laga cabsi qabay inuu saamayn ku yeesho nolosha iyo dhaqaalaha bulshada haddii aanay natiijadu u dhacdeen sidan, balse waxa jiray rayi ururin la sameeyay natiijada ka hor oo ishaaraysay in ay codadka “Haa” iyo “Maya” isku dhowaanayaan, taas oo raja gelinaysay Hogaamiyayaasha Siyaasada ee kasoo horjeeday in ay Scotland ka go’do Britain 307 sanadoo ka dib markii Boqortooyada Britain Odayaashii Reer Scotland heshiis la galeen ee ay ka mid noqdeen United Kingdom.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *