BreakingNews photo

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Sadexdan masuul oo ka tirsanaa xukuumadda Siilaanyo,  isla markaana  xabsiga u taxaabtay maanta.Kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inay lunsadeen Raashin Macaaino ah oo loo waday dad masaakiin ah. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex

 

Maxamed Cumar C/llaahi  (Xamarji), Agaasimhii Guud ee wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi-yare iyo La Talihii Madaxweyne Xigeenk Cismaan.Siciid Jaamac.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo goor dhaweyd Qasriga Madaxtooyadda Shir jaraa’id ku qabtay ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar X  C/llaahi, Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dibu-dajinta Axmed Cilmi Bare iyo La-taliyaha Madaxweyne xigeenka  Cismaan Siciid Jaamac oo isaga aan gacanta lagu dhigin, balse ciidamada Boolisku raadinayaan.
Ciidamadda Booliisku ayaa nimankaa u taxaabay  xarunta CID-da ee danbi baadhista, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay musuq-maasuqeen Deeq Raashin ah oo nin Dayr la yidhaahdo uu dalka keenay, waxaanu xusay inay dhexda ka Leexsadeen Deeqdaasi oo ay Dawladda Cumaan ku soo caawisay dadka masaakiinta ah.
.Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxa uu sheegay Xukuumadda Somaliland inaanay u dul-qaadan doonin talaabo danbe oo noocan ah waxaanu sheegay masuuliyiintaas xidhan iyo ninka keenayba in baadhid lagu wado Garsoorkana la horgeyn doono.
C/raxmaan Saylici waxa uu sheegay qabashada Deeqdaasi la musuq maasuqay inay qabashadeeda Saaxafaddu qayb ka ahayd,  isla markaana uu amray Taliyaha Booliiska Somaliland inuu soo qabto raashinkaas oo ahaa sadex gaadhi oo la leexsaday,  isagoo sheegay in ay tahay markii labaad ee ay deeqdan dhacaan masuuliyiinta u xidhani, balse aanay xukuumaddu markii hore talaabo ka qaadin. Madaxweyne Xigeenku wuxuu sheegay in baadhis lagu samaynayo oo cidii uu galo falkaasi talaabo adag laga qaadayo.
Dhinaca kale qoraalka xilka lagaga qaaday Masuuliyiintaa oo kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne  oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.
1.  Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)
2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre
3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.
Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,
Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *