Alla ha u naxariistee waxa shalay shil gaadhi ku Geeriyooday Xaaji Maxamed Xasan Yaasiin (CAMO) oo ka mid ahaa Xujaajtii soo dhammaysatay waajibaadkii Xajka ee ka tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland oo qaybtii u horreysay ee soo laabtay maanta soo degtay. Shilkan oo

ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxa kale oo ku dhaawacmay laba kale oo magacyadoodu kala yihiin Xaaji Sacad Axmed Ciise (Sacaada’adiin) oo ah mulkiilaha dukaanka dharka ee Sacaada’diin ee ku yaal galbeedka magaalada Hargeys iyo weliba nin kale oo magaciisa lagu sheegay Khadar Axmed Cali.

Gaadhiga oo uu waday Marxuunka geeriyooday waxa uu u jeeday dhinaca caasimadda Hargeysa, waxaanna Marxuun Xaaji CAMO oo caan ka ahaa magaalada Hargeysa uu ka ganacsan jiray nooc ka mid ah qaadka magaalada yimaada oo aad loo iibsan jiray, iyadoo geeridiisuna noqotay mid si weyn looga dareemo magaalada.

Ganacsade Xaaji Sacad Axmed Ciise oo ah Mulkiilaha Saacada-diin Super Market, ayaa isaga la sheegay in dhaawiciisu yahay saddex meelood oo uu ka jabay, waxaanna lagu daawaynayaa cusbitaalka magaalada Berbera. 
Marxuumka oo ay Boqlaal Qof ka qaybgaleen aaaskiisa ayaa Maanta lagu aasay Xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa. 
Tafaftiraha shebekada wararka ee Araweelonews, hawlwadeenada iyo dhamaan shaqaalaha shebekada waxay tacsi tiiraanleh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii,  ehelkii  Iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Xaaji Maxamed Xasan Yaasiin oo lagu naanaysi jiray ( Camo). waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo. Aamiin .Aamiin Aamiin

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *