Anaga oo ah Dadkan Magacyadoodu hoos ku qorana yihiin, Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga gudbinaynaa eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, illahay janadii fardowsa ha geeyee, Caaqil Xassan Aw-Ismaaciil Cabdi oo loo yaqaanay (Xassan Gadhle), oo
19/10/2011, ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Caaqilku wuxuu ku dhashay magaalada Qararo oo ka tirsan deegaanka gobolka cayn sanadkii 1955, Caaqilku wuxuu ahaa nin caan ka ah dhamaan deegaamada Somaliland iyo dhamaanba Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya. Waxuu caan ku ahaa Hawl-karnimo, Talo-wanaagsan iyo isagoo ahaa nin Nabadda iyo wadanoolaanshaha Ummadda kaalin lixaadle ka qaata, waxuuna horseed ka ahaa Nabadaymo badan oo ka dhacay deegaamada gobolada Sool iyo Caynba, kaasoo ay ugu danbeysay kii ay ku heshiiyeen labada beelood ee Xasan Ugaas iyo Fiqishini oo uu Caaqilku ka soo jeeday, ee ka dhacay deegaanka Adhicadeeye, iyo kuwo badan oo kale.

Wuxuu Marxuumku ahaa Nin Cadaalada aad u jecel, una hiiliya qofka dulman, xilligan uu geeriyoodayna waxuu ku dhex jiray hawlo nabadayn iyohorumarinta
deegaanka ku saabsan, waa hubaal in illahay ka abaal marin doono wax qabadkiisii wanaagsanaa.

Marxuum Caaqil Xassan Ismaaciil waxuu ifka ugaga tegay Laba-Xaas iyo caruur
badan oo isugu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Illahay waxaanu uga baryaynaa inuu eheladiisii Samir iyo Iimaan ka siiyo,
isagana janadii geeyo.

1) Qasim Adam Saleebaan
2) Abdullahi Hussein Mariyaa (Kolombo)
3) Mohamed Du’ale Jama
4) Mohamud Hussein Aden (Jubako)
5) Cadar Husein Macalin-Ibrahim
6) Ahmed Abdikarim Jama (Cagool)
7) Xildhibaan Abdirahman Muse Jama
8) Mareye Abdiwahid Abdulkadir Abdirahman
9) Nur Abdullahi Awhassan (buraale)
10) Aden Abdullahi Awhasan
11) Yusuf Adam Mohamed (Gaani)
12) Abdisalam Hasan Liibaan
13) Maryan Nuur Jama
14) Omer Saleebaan Ali
15) Abdifatah Abdullahi Ahmed
17) Iimaan Hussein Awfarah
18) Mohamed Adam Saleebaan
19) Sahara Yusuf Saleebaan
20) Mohamed Hassan Mataan
21) Sa’id Jama Ashur
22) Abdi Dahir Mohamud.

Dhamaan Dadkani waxay Marxumka illahay uga baryayaan Janutul Fardowsa.

Aamiin……Aamiin……aamiin.

Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *