Anigoo ku hadlaaya magaca reer Xasan Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale,

gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay ayeeyo Khadija Aw Jamac,oo ah ( hooyada adeerkey Cawil Cabdi Carwo iyo eddooyinkey Canab iyo Qaali), iyo tafiirtooda meel kasta ooy joogaan.

Ayeeyo Khadija oo ahayd ruux aad u da’weyn oon marna ka qaldamin kana daalin tasbiixda, salaadda iyo cibaadada Alle oo dhan, waxaan ku xusuustaa dhowr bilood horteed oon arkay oon la yaabay hadalkeeda aan qaladka lahayn, xusuusteeda iyo maqalkeeda. Waana mid dadka wax yari helaan kolka ay gaadhaan da’daas mid aad uga yar.
Alle ha u naxariistee Ayeeyo Khadiija Aw Jaamac waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, maanta oo khamiis ah 22/12/2011.

Marxuumad Khadiija oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, ehel, asxaab iyo tafiirteedna, waxa inagu waajib ah samir, saamaxaad iyo duco.

Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *