tacsiHargeysa(Araweelo News Network)Alla ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Cali Guhaad oo ku magac dheeraa (Sanyare), waxaana

 

Marxuumka lagu aasay xabaalaha Boqol Jire ee Koonfur Galbeed magaalada Hargeysa.
Marxuum Sanyare oo ka mid ahaa Odayaasha sida weyn looga yaqaanay geyiga Somaliland iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto, wuxuu kasoo jeeday Qoys caan ka ah deegaamada Somaliland, wuxuuna Marxuumka Aabihii Cali Guhaad ahaa Odaaysha iyo ganacsatada xiliyidii Mustacmarka magaalada Hargeysa ka arrimin jiray, isla markaana taariikh wanaagsan ku lahaa bulshada Soomalida dhexdeeda.
Marxuum Sanyare Cali Guhaad wuxuu ahaa Oday nabadeed sida uu Aabihii caanka ku ahaa, wuxuuna inta badan ku xidhnaa waayeelka Siyaasiyiinta, Odayaasha, dhalinayarada iyo qaybaha kale ee bulshada, isagoo dhalainyaranimadiisiina ku xardhanaa suugaan kooxdii la odhan jiray Kaba-cadda ee xadaaradii dhinaca magaalada Caddan ka imanaysay tirin jireen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa tacsi u diray  Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu geeriyooday Marxum Maxamed Xaji Cali Guhaad (Sanyare) oo ku geeriyooday 19.05.2014 Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaasha ugu magaca waeyn Hargeysa iyo Dalkaba waxaanu ka mid ahaa masuuliyintii Dalka xoogooda iyo Muruqoodaba u huray sidii u dalku u dhismi lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Reer Xaaji Cali Guhaad, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Sidoo kale Tafaftiraha shebekadda Araweelo News iyo Arraweelo.com Carraale M. Jama iyo dhamaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada shebekadahaa waxay tacsi taas la mid ah u diraysaa qoyska Reer Cali Guhaad, Eheladii, asxabtii iyo bulshada Somaliland ee uu ka geeriyooday marxuumku, waxayna bahda Araweelonews si gaar ah Tacsi ugu dirayaan Walaashii Safiya Cali Guhaad iyo dhamaan reer Saalax Xaaji Xasan, iyagoo ka tacsiyayna geeridaa ku timi abtigood Marxuum Sanyare Cali Guhaad, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Samir iyo Iiman ka siiyo Marxuumkana janadii fardawsa ka waraabiyo.
Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi raajicuun

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *