Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Tacsi u dirayaa dhamaan
Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka Baxay MARXUUM, MUJAAHID. MAXAMUUD AXMED CALI oo ka mid ahaa Aasa-sayaashii SNM, Mujaahidka oo ku Geeriyooday Waddanka Ethiopia gaar ahaan Adis-Ababa.
Madaxwaynuhu wuxu uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Xafiiksa Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.