Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa  Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee

 

uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, FAYSAL CUMAR MUSHTEEG oo ku geeriyooday Xalay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa iyada oo loo sii waday in loo duuliyo Dalka Ingiriiska.

Marxuumku waxa uu ahaa Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibada u tagay fanka Somaliland iyo sidoo kale dadyoga af-somaliga ku hadlaba dhamaantood, waxaanu ahaa macalin dad farabadan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba.

Sidoo kale Waxa uu ahaa fanaaniintii ka so qayb qaadatay halgankii dalkan lagu horeeyey.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI KA TIMI  LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

MARXUUM  Faysal Cumar Mushteeg

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, waxaan
dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal, iyo shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid fanaanka weyn Marxuum Faysal Cumar Mushteeg, oo ku geeriyooday Hargeysa shalay 20/9/2012

Allow naxariistaada ugu dambi dhaaf Faysal, Allow dambigiisa xasaanad ugu bedel, Allow naxariistaada ayaa janada lagu galaa ee albabada Fardows u fur, Allow ehel, asxaab iyo qaraababa ka yeel kuwa samra, marxuumkana u duceeya. Aamiin.

Axmed Xasan Carwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *