Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee
uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, FAYSAL CUMAR MUSHTEEG oo ku geeriyooday Xalay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa iyada oo loo sii waday in loo duuliyo Dalka Ingiriiska.
Marxuumku waxa uu ahaa Xubnihii ugu horeeyey ee dhidibada u tagay fanka Somaliland iyo sidoo kale dadyoga af-somaliga ku hadlaba dhamaantood, waxaanu ahaa macalin dad farabadan oo reer Somaliland ah wax soo baray, taas oo ay ku anfaceen dadkooda iyo dalkoodaba.
Sidoo kale Waxa uu ahaa fanaaniintii ka so qayb qaadatay halgankii dalkan lagu horeeyey.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahweynta Fanka iyo Suugaanta, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, Qoyskii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI KA TIMI LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
MARXUUM Faysal Cumar Mushteeg
dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal, iyo shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid fanaanka weyn Marxuum Faysal Cumar Mushteeg, oo ku geeriyooday Hargeysa shalay 20/9/2012
Allow naxariistaada ugu dambi dhaaf Faysal, Allow dambigiisa xasaanad ugu bedel, Allow naxariistaada ayaa janada lagu galaa ee albabada Fardows u fur, Allow ehel, asxaab iyo qaraababa ka yeel kuwa samra, marxuumkana u duceeya. Aamiin.
Axmed Xasan Carwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee