Tacsi taa la mid ah waxa diraya  Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismail Taani, wuxuu isagoo ku hadlaya magaca Dhalinyarada SONYO Tacsi

u dirayaa Qoyska Marxuum Marxuum C/weli Faarax Jaambiir oo ahaa Suxufi weyn oo ka baxay Saxaafadda Somaliland.

Geeri Naxdin Leh: Suxufi weyn baa baxay:

Geeridu waa xaq lawada sugayo, waxase dhammaanba shacbiga JSL ka nixisay geerida Marxuum Cabdiwali Faarah Jaambiir oo 8 August 2014, ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Kadibna lagu aasay xaabalaha Naasa-hablood 9 August 2014 .

AIle ha u naxariisto, iilka Neecaw qabowiyo ha ku siiyo Naruuro. Marxuun Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa uu ahaa Suxufi waayo-arag ah oo in badan ka soo shaqeeyey hano-qaadka saxaafada xorta ah ee dalka. Waxa aad loogu xasuustaa barnaamijyadii tayada iyo tabinta wanaagsaa ee taariikhdii halgankii SNM. Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, Mubarak Ismail Taani, Xubnaha Golaha Sare ee Dallada, Agaasimaha Fulinta Dallada SONYO, Siciid Maxamed Axmed iyo dhammaan shaqaale weynaha Dallada SONYO iyo dhallinyarada JSL-ba waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacbiga JSL, waxa ay tacsi gaar ah gaadhsiinayaa ehelka qaraabada iyo asxaabta marxuumka, si gaar ah waliba Muuse Faarah Jaambiir iyo maamulka Wargeyska Ogaal dhammaantood iyo guud ahaan bahda saxaafada JSL ee marxuumka muddada dheer ka tirsanaa.

Dallada SONYO waxa ay Alle uga baryayaan Marxuum Cabdiwali Faarah Jaambiir in Alle u naxariisto, iilka u waasiciyo, janooyinkiisiina ku sooryeeyo.

Alle ha u naxariisto marxuumka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *