Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaara iyo Dhaqanka Cabdi Siciid faahiye ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku shaacinayo liiska Ciyaartoyda xulka Qaranka Dalka Soamliland u metelaya kubada Cagta, kuwaas oo sida uu sheegay laga soo xulay 8-da gobol ee
Soomaaliland, isla markaana kasoo dhexbaxay tartankii Ciyaaraha gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togsheer.
Wasiirka Wasaasaradda Dhalinayaradda Ciyaaha iyo Dahqanka Cabdi Siciid Faahiye, waxa uu sidaa sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay wasaraaraddiisa, kaas oo lagu shaaciyay magacyada Ciyaartoyda oo ka kooban 26 Ciyaartoy, isla markaana saxaafada loo qaybiyay.
Qoraalka Wasiirka ee xulka Ciyaartoyda Qaranka lagu shaaciyay ayaa udhignaa sida:-
“Kadib ciyaarihii gobolada JSLee ku qabsoomay magaalada burco dabayaaqadii 2011 oo ahaa mid guul weyni uga soo hoyatay qaranka Somaliland ayaa midhihii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in laga soo xulo kooxihii xulka qaranka sida kubadda cagta kubadda koleyga iyo ciyaaraha fudud.
Hadaba iyadoo aanu u xilsaarnay khubaro aqoon khibrad iyo waayo aragnimo u leh xulista qaybaha kala duwan ayaa waxa loo xulay kooxda kubadda Cagta ee Qaranka JSLCiyaartoyga magacyadoodu qoraalkan ku lifaaqan yihiin.
Liiska Xulka Kubada Cagta ee Jamhuuriyada Somaliland
no Magaca oo sadexan naanays Gobolka Booska uu ka ciyaaro
1 c/riyaad bashiir cabdi m/jeex Weerar afka hore
2 c/fataax cismaan xuseen Shanbidhiidho //////// Difaac hore
3 Maxamuud cabdi xasan goofindhe /////// Weerar baal bidix
4 Shar make fuaad cali Xamari //// Weerar baal midig
5 c/kariin maxamed xirsi guji /// /// dhex
6 c/risaaq maxamed jaamac carab /////// Gool haye
7 Haybe good hure G/hawd Weerar baal bidix
8 Cawil maxamed cilmi G/hawd weerar
9 Xamse axmed c/laahi febregas G/hawd dhex
10 c/qani saleebaan caynaan yuuyo G/hawd Gool haye
11 Liibaan maxamed axmed sisco G/awdal weerar
12 Muxiyadiin ducaale diiriye muxiyo // ///// Dhex
13 c/samed ibraahin miigane Ina saqadhi // // Difaac
14 Ibraahin siciid daahir /// /// difaac
15 c/raxmaan maxamed maxamuud xaduur G/saaxil difaac
16 Jaamac c/laahi cawad Maro yare G/saaxil Dhexda
17 Farxaan maxamed axmed G/togdheer dhex
18 c/risaaqa xasan jaamac gadhle // // difaac
19 c/salaan faarax jaamac dhiidhiyo G/sool dhex
20 Axmed cabdi cismaan dhabahaye // /// weerar
21 Ibraahin c/raxmaan saalax messi G/sanaag weerar
22 Maxamed axmed xaashi culay /// // Gool haye
23 c/raxmaan jaamac muuse Dhay lo aad G/gabilay difaac
24 Cumer cali cismaan jirfac // /// dhex
25 Sakariye cali cige diiko // /// dhex
26 Mahdi cabdi qaadir /// ///// Weerar
Dhinaca kale Ciyaartoyda xulka Qaranka ee wasaaraddu soo saartay ayaa noqonaya xulkii qaranka ee ugu horeeyay ee Wasaaradda Ciyaaruhu samayso dhawr iyo labaatankii sanadood ee ay jirtay Somaliland. iyadoo ciyaarihii tartanka gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay si weyn usoo jiisteen rayalcaamka Bulshada Somaliland. kadib markii mudadii uu socday tartankaasi si toos ah looga daawanayay shaahdaha aduunka, kadib markii ay suurta gelisay shirkadda Somtel in toos looga daawacdo mudadii ay socdeen dacalada aduunka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com