Muqdisho(ANN)-Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaan ee ka Dagaalama Magaalada Muqdisho Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay kooxaha wadaadada ee firqooyinka ka dagaalama Somalia inay midoobaan si ay isaga caabiyaan ciidamadda Ajaanibka iyo dawlada taagta daran ee kasoo horjeeda. Wuxuuna dagaalka maalmihii u danbeeyay ka socday halkaa ku tilmaamay mid keeni kara xal, balse loo baahanyahay in laysu yimaado oo la keeno nidaamkii lagu dhaqmi lahaa
Sh. Aways waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay maanta kulan mudo sadex maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho xubno iskugu jira Culumaa’u diin Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka, kaas oo ahaa Aqoon isweydaarsi ay soo qabanqaabisey Hay ‘ada Camalka Islaamiga ah, iyadoo kulankaa lagaga hadalyey sidii looga qeyb qaadan lahaa dejinta iyo xaalada amaanka ee Soomalia .
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay ciidamadda shisheeye ee Midawga Afrika oo ku sugan Muqdisho kuwo sida xanuuno, isagoo yidhi, “Ciimada AMISOM waa Bakteeriyo, ama cudur sidayaal, waxaana fiican in la iska kaashado oo meel looga soo wada jeesto, si isku midana loola dagaalamo. Ka dibna la dhisto wax raali laykaga yahay oo waafaqsan Diinta Islamka” .
Sidoo kale waxaa uu shegay inay dhinacooda diyaar u yihiin sidii meel looga soo wada jeesaan lahaa dagaalka hada ka socda magaalada Muqdisho iyadoo aan la iska dhigeyn in cid ay tidhaahdo “Teyda oo kaliya hala raaco sida hogaamiye Kooxeedyadii oo kale, balse si isku mida oo talo ku jirto loola dagalamo cadowga dalka jooga ” isgoo arintaa ku tilmaamay ta keliya ee keeni karta in sida ugu wanaagsan.loo waajaho kuwa kasoo horjeeda
Baaqa Xasan Daahir Aways ayaa ku soo beegmay waqti ay jiraan dagaalo maalmihii u danbeeyay ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowlada Sh. Shariif ee taagta daran ee ay Ciidamadda AMISOM, difaacaan iyo waliba kooxda Ahlu sunah wal jameeca sheegta , iyadoo xulufadaa oo dhami dagaal kula jiraan Ururkiisa Xusbul Islam iyo kooxda All Shabaab.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay kooxda Al-shabaab hawlgal ka fuliyeen gudaha xuduuda ay dalka Kenya la wadaagto Somalia, halkaas oo ay kasoo kaxaysteen ilaa sadex qof, isla markaana ay dhaawac u geysteen dhawr qof oo kale, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya ujeedada hawlgalkaa iyo tirada saxda ah ee khasaaraha soo gaadhay dadka deegaanka. Iyadoo wararku intaa ku dareen inay goobtaa oo u dhow deegaanka Afmadaw ay ciidamadda Kenya yimaadeen waxyar ka dib markii ay kooxda Al-shabaab ka baxday halkaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com