Muqdisho(ANN)Baarlamaanka dawlada taagta daran ee Somalia ayaa maanta ansixiyay dawlada uu dhowaan soo dhisay raysal wasaaraha cusub oo muran iyo sawaxan ka taagnaa todobaadyadii u danbeeyay. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay
ayaa sheegay inay soo xaadireen 343 xildhibaan oo ka mid ah 550-ka xubnood ee Baarlamaanku ka kooban yahay.
Guddoomiyuha Sh. Shariif Xasan Sh. Aaadan ayaa sheegay inay jiraan labo fikradood oo mudanayaashu kala aaminsan yihiin in codka loo qaado, sidaa darteed marka hore loo baahan yahay in loo codeeyo qaabka codka kalsoonida loo qaadayo. Waxaana aqlabiyada heshay in codka loo qaado gacan-taag.
Markii codka kalsoonida dowladda loo qaaday waxaa oggolaaday 251 xubnood oo baarlamaanka ka tirsan. Waxaana diiday 93 xubnood, labo xubnoodna way ka aamuseen. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo codaynta kadib hadlay ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ansax tahay sidaana lagu ogolaaday. Iyadoo shirka Baarlamaanka ay fadhiyeen qaar badan oo ka mid ah wasiirrada codka kalsoonida loo qaadayay, balse ra’iisal wasaaruha cusub Mr. Farmaajo ayaan isagu goobjoog ka ahayn fadhigaa.
Kulanka Baarlamaanka ayaa qabsoomay maanta xili ay dagaallo ka dhacayeen degmada Wardhiigley oo aan ka fogeyn halka shirka Baarlamaanku ka dhacay iyo goobo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Dagaallada oo bilaabmay. kadib markii kooxda xarakada Al -Shabaab ay soo weerareen degaanno ay ku sugnaayeen xoogagga dowladda iyo ciidanka AMISOM ee Midowga Afrika, balse ilaa hada lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada.
Dhinaca waxa jira mudanayaal ku doodaya in xiligii codaynta ay dhacday khiyaamo iyo wax isdaba marin. sidaa awgeed aanay ansax ahayn codayntu.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380