Hargeysa(ANN) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciiil (Saylici) ayaa Ergo nabadeed oo Afartan xubnood ah u saaray khilaafka iyo xiisada ka taagan Deegaanka Buuhoodle iyo Qori-Lugud. Sidaana
waxa lagu sheegay soo Digreeto maanta kasoo baxday xarunta Madaxtooyada Somaliland, taas oo lagu magcaabay Ergo nabadeed oo heer qaran ah, isla markaana ka kooban 40 Xubnood oo isugu jira Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka iyo Hogaamiye-yaasha Xisbiyada Siyaasada.
Ergo nabadeedkan Qaran oo uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Mudane, Axmed Xaaji Cali Cadami Waxa ay ka Hawl-geli doonaan Shaqaaqada ka bilaamantay Deegaanka Qoru-lugud/Buuhoodle.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynuhu waxa uu Digreetadiisa ku yidhi, “Markii aan Arkay Xaalada Nabad-gelyo Darro ee ka soo korodhay Jiida Quru-lugud/Buuhoodle loona Baahan yahay in si dhakhso ah looga hawl galo oo la soo Af-jaro xaaladaasi waxaan Ergo nabadeed Qaran u magacaabay:-
Golaha Wasiiradda:-
1. Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Gaashaandhiga
2. Mudane, Cabdillaahi Ismaaciil (Geel-jire), Wasiirka Warfaafinta
3. Mudane, Xusseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud
4. Mudane, Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka Cadaaladda
Ergadda Golaha Wakiiladda:-
1. Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale
2. Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale
3. Xildhibaan Maxamed Jaamac
4. Xildhibaan Xamse Gaadaweyne
Ergadda kale ee Xukuumadda:-
1. Bashiir Cabdi Xariir, Madaxa Siyaasadda iyo Xidhiidhka Golayaasha
2. Cabdi Aw Daahir, La Taliye Madaxweyne
3. Fu’aad Aadan Cadde, La Taliye Madaxweyne
Madaxda Xisbiyadda:-
1. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga KULMIYE
2. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xisbiga UDUB
3. Axmed Waqaf Mire, Xisbiga UCID
4. Cali Maxamed Waran-cadde.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380