Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa magcaabay Taliyaha Sirdoonka Qarnka Somaliland. Kadib markii uu is casilay Taliyihii hore Mr. Kenyaati maalintii doraad. Magcaabista Taliyaha sirdoonka
ayaan weli si rasmi ah uga soo bixin xafiiska Madaxweynaha, balse sida ay warar xog ogaal ahi u sheegeen shebekada warrarka ee Aaraweelonews, waxa xilkaa loo magcaabay Col. Maxamed Nuur Xirsi (MN) oo hore u ahaan jiray Saraakiishii Milateri ee dawladii Somalia balse markii danbe ka goostay Taliskii dawladii Siyaad Barre, isla markaana ka mid noqday Ururkii SNM.
Mr. Maxamed Nuur wuxuu sanadii u danbeeyay deganaa dalka debediisa, isagoo hawlo ganacsi ku jiray. Laakiin wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dhowaan, wuxuuna ka mid ahaa qurba jooga ilaa xiligii Ololaha doorashada madaxtooyada ku sugnaa dalka. markii ay soo baxeen wararka sheegaya in xilkaa loo magcaabay Col. Maxamed Nuur, balse aanay weli Madaxtooyadu si rasmi ah usoo saarin, waxay dad badani markii ay maqleen hadal haynta magcaabista Taliyaha Sirdoonka u qaateen in lasoo celiyay taliyihii xiligii maamulka Rayaale kaas oo magaciisu ahaa Maxamed Nuur.
Tan iyo markii ay soo baxaday is casilaada Taliyihii Sirdoonka Mr. Xuseen Kenyaati, waxa soo baxayay magacyada dadka lala hadalhayo in loo magcaabo xilkaa, waxaana magacayda safka hore kaga jiray Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Cabdi Yuusuf (Cabdi Dhega weyne), Axmed Dheere iyo xubno kale, balse dhamaan magacyadaa ayaa meesha ka baxay. Kadib markii maanta duhurkii ay ogaadeen in xilkaa loo magcaabay Maxamed Nuur.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380