Laascaanood (ANN)Taliyihii Ciidanka CID-da ee Gobolka Sool, Cali Jaamac Aadan ayaa dhaawacmay ka dib markii caawa dablay aan la aqoonsani rasaas ku fureen Taliyaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.Siada
ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen dad ku sugan gudaha Magaalada Laascaanood Sarkaalkaa ayaa dhaawac ka soo gaadhay Lug, waxaana loola carayay Cisbitaalka magaalada Laascaanood, halkaas oo lagu dawaynayo sida ay sheegeen eheladiisu.
Illaa imika ma cadda cida falkan ka fulisay mana jirto cid ka tirsan maamulka gobolka Sool oo ka hadashay dhacdadan, hase yeeshee waxa la sheegay inay qeyb ka tahay falal kooxo abaabulan oo aan la aqoonsanayni ay ku bartilmaameedsadaan masuuliyiinta laamaha Ciidamada kala duwan ee gobolkaasi.
Sarkaalkiisa Ciidamada ee gobolka Sool ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay Dilka Taliyihii Ciidamada qaybta 12aad Col Yuusuf Nuur oo isaga qarax lala beegsady Nov, 2009, waxa halkaa ka soconayay shirqoolo iyo dilal lala beegsanayo saraakiisha ciidamada eek ala duwan iyo masuuliyiinta kaleba, isla markaana waxaa lagu fuliyay gudaha Magaalada Laascaanood dilal qorshaysan dersin saraakiil iyo masuuliyiin ah, kuwaas oo aan weli la aqoonsan cidii ka danbaysay dilalkooda, marka laga reebo shirqoolka taliyaha Ciidanka ee u horeeyay oo kuno kala duwan lagu riday dadkii lagu Eedeeyay. Dilalkaa iyo shirqooladaa ayaa inta badan dhacay xiligii maamulkii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland 26, Jun 2010.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380