Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta digreeto ku magacaabay Guddoomiye xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland.Sida lagu
faafiyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland, kaas oo u qornaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe. Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadaa ku yidhi:-
Markaan Arkay: Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka JSL.
Markaan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka. Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan,
Markaan ka Fiirsaday: kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo
Markaan ku qancay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay
Waxaan go’aansaday In mudane, Cumar Yuusuf Buux ‘Gaws’, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado, Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ‘ Central Banka’ ee JSL.”